Musharaxa madaxweynaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka Djabouti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afaraad loo doortay jagada Madaxweynanimada dalkaasi.
Musharax Jamaal Cali Xuseen, Ayaa sidoo kale shacabka wadanka Djabouti ku hambalyeeyey sidii nabad galyada lahayd ee ay codkooda u dhiibtaan waxaanu
yidhi “Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa madaxweynaha dalka Djabouti Ismaaciil Cumar Geelle oo aan ugu hambalyeynayo inuu ku guulaystay doorashadii maalintii shalay ka dhacday dalkaasi, waxaan leeyahay hambalyo madaxweyne, waxa kale oo aan aad u bogaadinayaa shacabka wadanka Djabouti sidii nabad galyada lahay ee ay codkooda u dhiibteen, waxaanan leeyahay madaxweynaha aad doorateen kala shaqeeya sidii dalkiinu horumar waara u gaadhi lahaa”.