Qaar Kamida Dhallinyaradii Ururkii Uffo Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Hargaysa ayaa Iclaamiyay Qabsoomida Xuska Maalintii Dhagax Tuurka Ee Burco ee 1-May-1982, Iyagoona Baaq Ku Saabsan Ka Qayb Qaadashada Xuskaas Udiray Dhalinyaradii Maalintaas Dhagaxa Tuuraysay. Waxana Sidoo Kale Ku Dhawaaqeen Gudi Madaxbanaan Oo Qaban Qaabin Doonta Xuska Maalintaasi.
GNN18may
Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Xog’hayaha Golaha Wakiilada Somailand Oo Kamida Dhalinyaradii Ururka Uffo Ee Maalintaasi La Xidhay ayaa Ka Waramay Saamaynta Maalintraasi Ku Yeelatay Dhalinyaradii Dhagaxa Tuuraysay
‘’Munaasibadan Ula Jeeddadeedu Waxa Weeyaan Maalintii Dhagax Tuurka Burco Laga Sameeyey 1982 Bishii May Kowdeedii.Waxaanu Doonaynaa Inaanu U Qabano Xuskii Maalintaas. Halkan Waxaa Fadhiya Qaar Kamida Ardaydii Dhagaxa Tuuraysay Iyo Kuwii Loo Xidhay Dhacdadaas.Anigu Waxaan Kamida Ahaa Ardaydii Dhagaxa Tuuraysay.Sanadkaa Farxasamada Gacanta Form 1 Ayaan Ahaa.Maalintii Labaad Ayaa Layqabtay.Saddex Maalmood Ayaanu Socday.Een Burco Waxay Leedahay Taariikh Aan Somailand Lahayn.Waxaanuna Ubixinay Maalmaha Burco Iyo May.Oo Ah Kowdii May Maalintii Dhagaxa La Tuuray Iyo Sided Iyo Tobankii Oo Ah Maalintii Somaliland Lagu Dhawaaqay”
Maxamed Cabdiraxmaan Xirsi (Pro,Hadhuudh) Ayaa Isaaguna Geestiisa Ka Hadlay Xuska Maalintan Qaran Isagoona Ka Sheekeeyey Gabayadii Lagu Tiraabay Maalintaas.Iyo Sida Dhalinyaradu Ugu Feejignayd Gobanimo Doonka
‘’ Anigu Waxaan Ka Mid Ahaa Dhalinyaradii Maalintaa La Xidh Xidhay Ee Mandheera La Geeyey.Ka Dibna Loo Qaaday Beer Kowdii May.Boodhadhkii Maalintaa La Siday Anaa Gacantayda Kusoo Qaaday.Markaa Maalin Qaaliya Ayay Ahayd Soddon Sanno Iyo Dheeraad Ayaa Kasoo Wareegay.Anigu Markaa Form Foor Ayaan Ahaa Dugsiga Sare Ee Sh.Bashiir Ee Burco Ku Yaala.Een Odayaal Iyo Dhalinyaroba Waa Oo Dhamaaday. Maalin La Ilaaway Ayayn Noqotay Oo Halkan Maalinta Dhagax Tuurka Hargaysa La Sheego Lama Soo Hadal Qaado Wixii Maalinta Burco Ka Dhacay.Abwaan Qaasim Oo Aanu Jeelka Mandheera Ku Booqanay Ayaa Gabay Tiriyay Oo Wuxuu Yidhi. Da’da Naga Yareey Waxaad Fasheen Waanu Ku Diirsanaye. Alle Haydin Daayee Xilbaad Naga Duqaadeene. Magaceenii Duugoobaybaad Dabaqad Saarteene. Gabayo Noocaasa Laga Tiriyay’’sidaas ayuu yidhi Pro Hadhuudh.
Faysal Salad Oo Kamid Ahaa Dhalinyaradii Wakhtigaas La Xidhay Ayaa Sheegay Inay Muhiimada Saarayaan Sidii Loo Soo Noolayn Lahaa Xusaska Maalmaha Qaran Ee Burco Ku Can Tahay waxaana uu yidhi.
‘’ Barigaa Afartayadanba Waxaanu Ka Mid Ahayn Dhalinyaradii Maainta Dhagaxa Tuuraysay.Waxaa Jirta Een Inkastoon Iskuulka Ku Kala Horaynay.Saddex Cashay Socotay Sidaa Ay Sheegeen. Markaa Hadaan Isku Soo Koobo Odayaashaa Dhameeyey Ee Muhiimadu Waxa Weeyaan In Burco Oo Ah Hooyadii Dalka Somaliand Ilaa Ingiriiskii Iyo Intii Ka Horaysayba.La Ilaaway Taariikh Badan Oo Ay Lahayd Oo Ay Dadkeedii Ilaaween. Annagu Waxaanu Isugu Nimi Inaanu Soo Noolayno Taariikhdaas. Oo Aanu Xusno Maalintaas Kowda May Ee Sanadkan. Een Burcana Ugu Qabano Xaflad Wayn Insha Allahu’’Sidaas ayuu yidhi Faysal.
Muuse Kaneeco Oo Isna Ka Mida Dhalinyaradii Dhagaxa Tuuraysay 1982 Ayaa Sheegay In Reer Burco Ilaaween Kaalintii Dhalinyaradu Ku Lahaayeen Gobanimada Iyo Xadhigii Xaq Darada Ahaa Ee Oo Xidhay
‘’Waxaan Leeyahay Ragii Maalintaa Joogay.Oo In Badan Maanta Ka Nooshay. Waa Inay Ka Qayb Galaan Qaban Qaabada Maalintaas Oo Dawladuna Naga Caawisaa Oo La Xusaa Maalintaas.Hadii Reer Burco Ilaaween Dhibtii Maalinta Dhalinyarada Qabsatay’’Sidaas ayuu yidhi Muuse Kaneeco
Gabagabdiina Dhalinyaradan Waxay Soo Saareen Guddi Ka Kooban Lix Xubnood Oo Qaban Qaabin Doono Munaasibad Lagu Xusayo Maalintii Dhagax Tuurka Dhalinyaradii Uffo Ee Magaalada Burco 1982 Bishii May Kowdeedii