Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Wasiirka Hawlaha Guud Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Walalkii Oo Hargaysa Lagu Aasay.

0
448

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka Xisbul xaakimka ayaa Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed ( Cali Mareexaan) ka tacsi yadeeyay geerida ku timi walalkii Aadan Xasan Maxamed oo shalay magaalada Hargaysa. Sidaana waxaa lagu sheegay war-saxafadeed u dhignaa sidan.

da

Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Cali Xasan Maxamed oo walaalkii Aadan Xasan Maxamed ku geeriyooda magaalada Hargeysa maanta 08/04/2016).

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here