Ciidamada qaranka Somaliland ayaa gacanta ku dhigey nin gacan-ku-dhiigle habeen hore dil ugu geystey magaalada Hargeysa gudaheeda ALLE ha u naxariistee Marxuum Cismaan Daahir Muslim oo ka mid ahaa Ganacsatada magaalada Hargeysa. Ganacsadahan ayaa IHUN waxaa diley nin lagu magacaabo Dayib Cabdi Faarax oo ay ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigeen habeen hore,markii uu dilka geystey kaddib.Illaa hadda lama garanayo sababta uu eedeysanahani uu u diley ALLE ha u naxariistee Marxuum Cismaan Daahir Muslim oo ka mid ahaa Ganacsatada magaalada Hargeysa.
Wargeyska Dawan,oo xidhiidho kala duwan la sameeyey saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qaranka Somaliland ayaaney u suurto gelin inuu helo faah-faahin la xidhiidha sida uu dilka u dhacay iyo sababta loo diley ninkan ganacsadaha ah.
Geesta kale saraakiisha ciidamada qaranka Somaliland wali wax war ah kamay soo saarin dhacdadaasi.