Guddoomiye Cirro oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Naxdinta Lahayd ee Ku Timi Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JSL Dr. Cabdi Aw-Daahir Cali
Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa, kan Hoggaanka, guddiga fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, iyo weliba sida oo kale taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibadba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta ku geeriyooday magaalada Burco.
Md. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa qoysaskii, caruurtii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana si gaar ah loogu xasuusan doonaa in uu si weyn uga soo qeyb-qaatay Halgankii dib-u-xoreynta qaran iyo horumarka marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray qaranka Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo, sida oo kalena uu ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Somaliland samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin Amiin.
Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi Raajiuun
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Like this:
Like Loading...
Related