Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Ku Timi Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

0
422

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Ku Timi Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

Guddoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland haya ahna Murrashaxa Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhanbaal tacsi ah oo uu na soo gaadhsiiyay kuna saabsana Geerida Marxumm Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ku geeriyooday Magaalada Burco waxay u dhignayd tacsida Guddoomiyaha KULMIYE sidan.

 

Xisbiga KULMIYE

Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka JSL

April 6th, 2016

Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta 06/04/2016).

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali inuu ahaa aqoonyahan wayn oo ku takhasusay cilmiga caafimaadka dadka oo uu wax badan ku soo taray bulshada reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiinta mufakirka ah ee dalkeennu lahaa.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan innaga siiyo.

Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here