Wasiirka Madaxtooyadda Oo Ka Digay In La Siyaasadeeyo Deeqdii Ay Somalia Kaga Qayb Qaadatay Taakulaynta Abaaraha

0
460

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ujeedada safarka Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Awdal, waxaana uu sheegay inuu socdaalkani la xidhiidho xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.
Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inaan safarka madaxwaynuhu ahayn dalxiis balse uu yahay mid uu ugu kuur galayo xaaladda abaareed ee gobolka Awdal kataagan.

“Socdaalkan uu Madaxwaynaha Somaliland halkan ku marayo mid tax taxaash iyo daansho daanshood daaran maaha laakiin waa mid uu dadka tabaalaysan dareenka la wadaagayo masuuilayddu farayso inuu ishiisa ku arko, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqay amadax dhaqameedka, culimada iyo haweenka Awdal sida ay uga qayb qaateen, umaddu haddii aanay isku tiirsanan duruufaha kama bixi karto, ilaahayna wuu ina imtaxaamayaa, waxbana kuma ah inuu wax ina siiyo laakiin waxa la eegayaa inaynu is kaalmayno”

Geesta kale wasiirka madaxtooyada ayaa ka digay in la siyaasadeeyo deeqdii ay dawladda iyo shacabka dalka Somalia soo gaadhiisyeen walaalahooda abaartu saamaysay ee Somaliland, waxaana uu shegay inay tani tahay jawaabta laga bixiyo xaalad bini’aadanimo oo markaas taagan waxaana uu yidhi:

“Shalay markay walaaladeen dhibaataysnaayeen shacbiga Somaliland wuu u gurmaday deeq ayuu u geeyey iyaguna sidaas oo kale maanta way inoo soo gurmadeen, arrin siyaasad saamayn ku leh maaha waa arrin walaalnimo iyo bani-aadanimo xaalad saamayn ku leh. mid wax laga dayno maaha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here