Dawladda Jabuuti Oo Xadhig Iyo Mastaafurin Isugu Dartay Koox Ahayd Suxufiyiin Ka Socday BBC-da.

0
412

Dawlada Jamhuuriyadda Jabuti ayaa xabsiga u taxaabtay koox Weriyaal ah oo ka socotay BBC-da iyagoo xidhnaa muddo 16 saacadood ah kadibna laga musaafuriyay wadanka Jabuti oo afar maalmood kadib ay ka dhacayso doorashada Madaxtinamada dalkaasi.

Masuuliyiinta war-baahinta BBCda ayaa qoraal ay ku weydiisanayaan Xukuumada Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele Sababta losoo eryay Wariyaashooda waxay u qoreen Dawladda Jabuuti,

Kooxdan Suxufiyiinta ah ayaa u tegey dalka Jabuti inay ka soo warbixiyaan doorashada lagu wado inay ka dhacayso 8da bisha April 2016.

Weriyaasha ka tirsn BBcda ee laga soo eryay dalka Jabuti ayaa la xirey kadib markii ay wareysi la yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibada iyo musharaxa mucaaradka. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada Jabuti ee ku saabsan arrinka saxafiyiinta.

Saxafiyiintan ka socday BBCda ayaa waxaa ka mid ah wakiilka arrimaha ammaanka ee qaarada Afrika Tomi Oladipo, waxayna haysteen oggolaansho ah inay ka howlgali karaan dalka Jabuti. Sida lagu daabacay bogga BBC.com Ururka Saxafiyiinta Aan Xuduuda Lahayn ayaa ku tilmaamay dalka Jabuti uusan ku wanaagsanayn la dhaqanka saxafiyiinta, waxaanu dalka Jabuuti ku qoray kaalinta 170-aad adduunka marka la eego Waddamada aan ku wanaagsanayn la dhaqanka Saxafiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here