War Deg Deg Ah:-Maleeshiyada Khaatumo Seeg Oo Weerar Ay Kusoo Qaaden Degaanka Maskax Buuqle Dhaawac Culus Ugu Gaystey Nin Kasoo Jeedan Beesha Bariga Burco.

0
448

War Deg Deg Ah:-Maleeshiyada Khaatumo Seeg Oo Weerar Ay Kusoo Qaaden Degaanka Maskax Buuqle Dhaawac Culus Ugu Gaystey Nin Kasoo Jeedan Beesha Bariga Burco.

Maleeshiyada Khaatumo Seeg Ayaa Goordhweyd Weerar Gaadmo Ah Oo Ay Kusoo Qaaden Degaanka Maskax Buuqle Waxay Dhawaac Culus Ugu Gaysteen Nin Xoolo Dhaqato Ah Oo Kasoo Jeeda Beesha Bariga Burco Waxaana Lagu Magacaabi Jirey Faarax Axmed Cali Waxaana Wararkii Ugu Danbeeyay Ay Sheegayaan In Ninka Dhaawaca Ahi Uu Aad Uculus Yahey Isla Markaan Loola Soo Cararay Dhinaca Degmada Qorilugud

 

Mid Ka Mid Ah Dadka Degaanka Maskax Buuqle Oo Qoryaalenews La Xidhiidhey Ayaa Sheegay In Galabta Maleeshiyada Khaatumo Ay Werar Kusoo Qaadey Baliga Tuulada Maskax Buuqle Halkaasna Ay Is Rasaaseyn Ku Dhex Dadka Reer Guraaga Ah Ee Asal Ahaan Kasoo Jeeda Degaanka Qorilugud Ee Galbeedka Gobolka Buhoodle Waxaana Halkaas Uu Ku Dhaawacmey Mid Ka Mid Ah Dadka Reer Guraaga Ah Ee Kasoo Jeeda Bariga Magaalada Burco

“Walal Wax Yar Ka Hor Ayay Maleeshiyada Khaatumo Weerar Gaadmo Ah Kusoo Qaadey Baliga Tuulada Maskax Waxaana Maleeshiyada Nabadiidka Ah Ee Khaatumo Ay Halkaas Ku Dhaawaceen Faarax Axmed Cali Oo Kasoo Jeeda Beesha Abtidoon Ee (Habar Jeclo Axmed Faarax) Waxaana Ninka Rasaasta Ku Furey Rag Kasoo Jeeda Beesha Wacays Aadan Ayuu Yidhi Mid Ah Ka Mid Dadka Degaanka QorilugudNews La Xidhiidhey

Waxaanu Hadalkiisa Ku Ladhey”Hadda Ninka Xaaladiisu Way Culus Tahey Waxaana Losoo Qaadey Dhinaca Degmada Qorilugud Oo Lasii Dhaafin Doono Dhinaca Magaalada Burco Si Xaaladiisa Caafimaad Wax Looga Qabto”

Dhanka Kale Wararka QorilugudNews Ka Helayso Dhinaca Buhoodle Ayaa Sheegaya In Maleeshiyadii Khaatumo Ee Weerarka Gaystey Ay U Carartay Indhaca Buhoodle Oo Ay Firxadkii Ku Galeen

Weerarada Gaadamada Ah Ee Ay Maleeshiyada Nabadiidka Ah Ee Khaatumo Ay Ka Wadaan Jiida Buhoodle Ayaa Bilooyinkii Udanbeeyay Sare Ukacay, Waxaana Hadda Laga Jogaa Hal Todobaad Markii Sidan Oo Kale Maleeshiyada Cali Khaliif Galeydh Ay Usoo Weerartay Geel Joogey Baliga Tuulada Maskax Buuqle Balse Dadka Degaanka Ayaa Iska Dhiciyay Maleeshiyada Oo Dagaal Adag Kala Hor Tagey

Shaqaaqadan Hada Kasoo Cusboonatey Jiida Buhoodle Iyo Kuwo Kale Oo Ka Horeeyay Ayaa Daaha Ka Qaadeya In Aaney Suurta Gal Aheyn Nabad Ka Islaaxda Jiida Udhaxeysa Buhoodle Iyo Qorilugud

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here