Khilaafkii Curdan- Dhadhiyey Xisbiga Ucid Oo Markale Soo Ifbaxay Iyo Gudida Fulinta Ucid Oo Dhibsadey Hadal Musharaxa Hankiisa Madowga Lagaliyey Ku Duray Muuse Biixi Iyo Ganacsade Ina Awsiciid.
Raaligalinta Ucid Oo Fasirtay Sidaanay Iskugu San-banaaneyn Jamaal Cali Xuseen iyo Mililkii Guudka Laga Dhayey Oo Aan Wali Daawoobin
Khilaafkii curdandhadhiyey xisbiga ucid oo soo ifbaxay ka dib markii gudida fulinta xisbigu ay raali galin ka bixiyeen hadal shalay ka soo yeedhay musharaxa madaxweyne Jamaal cali xuseen kaasi oo daaranaa bur-bur uu sheegay inay xisbiga ku hayaan gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo GANACSADE ina aw siciid ay ku hayaan xisbigiisa dhawaaqan oo beeninaya in xisbiga ucid kula socon hadalkan ka soo yeedhay musharaxa ayaa wadajir udaadifeeyeen sida ay ku xaqiijiyeen warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska xisbiga ucid taas oo ka marag kacdey mililka korkiisa la dhayayo ee ka dhex jira xisbiga ucid
Xisbiga UCID Oo Caddeeyey In Aanay Jamaal Cali Xuseen La Qabin Eeddii Maxamuud Aw Siciid Iyo Kala Jabnaan Soo Muuq Baxday
War-saxaafadeed ay soo saareen Guddida Fulinta ee Xisbiga UCID oo lagu sheegay in ay kulan ka yeesheen arrintaasi, ayaa waxa ay raali gelin kaga bixiyeen eedaymahaasi uu murashaxa madaxweynaha xisbigaasi u jeediyey ganacsade maxamed awsiciid iyo muuse biixi cabdi iyo guud ahaan cid kasta oo dhibsatayba, waxaanay caddeeyeen in uu isaga ku kooban yahay, waxaanuu u dhignaa sidan:-
“Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka UCID, waxa uu halkan ku caddaynayaa in hadalkii Jamaal cali Xuseen kaga hadlay ganacsade Reer Jabuuti iyo Somaliland Maxamed Aw Siciid iyo Masuuliyiinta kale ee uu eedaha u soo jeediyey, waxay ku kooban tahay aragtida Jamaal ee xisbigu lama qabo anagoo Ixtiraamayna fikirka iyo xorriyadda shaqsi ahaaneed.
Waxaanu Raali gelin buuxda siinaynaa dhamaan taageerayaasha xisbiga UCID kana raali gelinaynaa hadalkii ahaa in xisbiga cid kale burburinayso, xisbiga UCID, waxa weeyaan Xisbiga ugu da’da weyn xisbiyada qaranka, isla markaana ugu khibradda badan, sidaas darteed cidina ma burburin karto, waxa meel ka dhac ah in lagu tilmaamo mid ay shaqsiyaad ku tagri fali karaan,
Waxa kale oo xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka UCID raali gelin buuxda ka bixinayaa cid kasta oo dhibsatay hadaladii Jamaal maadaama oo aan ixtiraam u hayno ganacsatada reer Somaliland iyo dhamaanba madaxda xisbiyada qaranka iyo masuuliyiintooda.
ALLAA MAHAD LEH
Guddida Fulinta Xisbiga