“Madaxweynaha Wax Kulana Maanan Yeelan Wax Dhib Ahina Nama Dhex Taalo Aan Ixtiraam Iyo Qadarin Ahayn”. Waraysi Xirsi Cali Xaji Xasan

0
545

wasir xirsi caliQYN-Hargaysa) Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa beeniyay warar sheegaayay inay kulan fool ka fool ahi dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Silaanyo.

Siyaasi Xirsi Cali Xaji Xasan oo u Waramaayay Wariye Khadar Xasan Axmed oo ka tirsan Shabakada Somalilandtoday.com wuxuu kaga jawaabay su-aal ahayd waxaa ka jira wararka sheegaaya  inay kulan yeesheen Madaxweynaha sidan.

“Maya Adeer wax kulan ah oo Madaxweynaha na dhexmaray ma jiro, wax dhibaato ah oo noo dhaxaysaana ma jirto, aan ahayn Ixtiraam, Qadarin iyo xushmad. Marka warkaas aad i waydiisay ma jiro,.” Sidaa waxaa yidhi Ex. Wasiir Xirsi.

Maruu ka jawaabaayay sababta wararka ku saabsan inay Madaxweynaha kulmeen losoo cel celiyo wuxuu yidhi. “Wallahay garan maayo dadka intaas shaqada ka dhiganaaya, Madaxweynuhu waa Madaxweynahaygii, waa Madaxweynihii Qaranka sidaa aan ku sheegay xushmad iyo Qadarin ayaa naga dhaxaysa marka wax intaas laga baadho garan maayo.” Sidaa ayuu hadalkiisi ku soo koobay Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo Waraysi kooban khadka Telefoonka ku siiyay Shabakadda wararka ee Somalilandtoday.com

Xigasho

Khadar Xasan Aadan
Somalilandtoday/Hargaysa/Office
Emai: khadar2424@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here