Kulan uu shalay Salaasadii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE la yeeshay xildhibanada xisbigaas ugu jira golaha wakiilada ayaa la sheegay inuu daaranaa qorshe uu Guddoomiye Muuse Biixi doonayo inuu duufaano siyaasadeed oo ka dhan ah Guddoomiye Cirro ka bilaabo golaha dhexdiisa.
1556c717-0920-4a67-b971-15baa23c13eb
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu kulan arintani ku dar dar galinaayo oo qado ah isku yeedhay badiba xildhibaanada Golaha wakiilada kaga jira xisbiga Kulmiye oo uuu hor kacaayo Gudoomiye ku xigeenka golahaasi Baashe Maxamed Faarax kaas oo ka dhacay Hotel Maansoor
Lama garan karo natiijada ka soo baxdey kulankaasi balse arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa wakhti uu Gudoomiye Muuse Biixi lagu eedeynaayo in uu ka danbeeyey qorshe lagu caleemo saaray suldaan cusub oo ay yeelaneyso beesha Suber Awal isla markaana lagu af ganbinaayey sandalada Beeshaasi kaas oo ay dadku sheegayan in uu noqdey mid aan noqon sidii loogu talo galay isla markaana ay garab waynta beeshaasi ka soo hor jeesteen .
Muuse Biixi gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa waxaa la sheegayaa in ficilkan ay ku kaliftey isaga oo aaminsan in gudoomiye Ciro oo tartan kula jira xisbga Kulmiye isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Waddani uu lacago badan ka helo golaha wakiilada iyo kursiga uu ku fadhiyo ee Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland
Waxaana xogo hoose oo ay helayso shabakada Ilaysnews sheegayan in kulankan abaabulkiisa uu iska lahaa isla markaana soo qaban qaabiyey xildhibaan Obama oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland kuna abtirsada xisbiga Kulmiye isla markaana ay maalmihii u dambeeyey fiintu dhex miranaysay Guddoomiye Cirro ka dib markii uu gudida musuq maasuqa oo dhawaan gudoomiye Ciro ka qaday Xildhibaan Obama.
Xigasho: Ilays News