(QYN-Hargaysa)Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Cali Xassan Maxamed oo Maanta Gaadhi Boolis ah Ku Warejiyay Degaanka Dhagaxdheer oo ka tirsan Degmadda Balidhiig, Iyado Saldhiga Booliska Degaankaasi aad Ugu baahnaa.
Maayir Ku Xigeenka Degmadda Bilidhiig Saleebaan Maxamed Cali ayaa u mahadnaqey Wasiirka Hawlaha Guud, isagoo ka marakacay waxqabdka iyo deeqaha faraha baddan ee uu soo gaadhsiiyo Degmaddan. Wuxuuna ku bilaabay.
“Si weyn ayaan ugu mahadnaqayaa Wasiir Cali oo deeqdan gaadhiga ah nagu wareejiyey, Isagoo Xildhibaan iyo maanta oo uu Wasiir yahay waa shakhsiga kaliya ee deeqo noocan nasoo gaadhsiiya, hadey tahay maamul iyo maanta oo Bolice-kii Degmadda gaadhigan nagu wareejinayo, runtii waa Masuul ku suntan waxqabad iyo in Ummadiisa baahiyaheed ka jawaabo”.
Jiif Caaqil Barkhad Cabdi Haybe oo isna goobta gaadhigan lagu wareejinayey ka hadlay ayaa sheegay in Wasiir Cali Xasan Maxamed yahay shakhsiga kaliya ee isagoo xildhibaana iyo maanta oo Wasiir yahay ummadiisa dib wax ugu celiya, isagoo ku tilmaamay Masuul ay abaal ugu hayaan, caaqilku wuxuu hadalkiisa ku bilaabay.
“Wasiir Cali wuxuu ku suntanyahay waxtarka, waxqabdka iyo ka warheynta shacabkiisa, isagoo Xildhibaana iyo maanta oo Wasiir yahay waa masuul aan ka seexan bulshadiisa, haddanu madaxdhaqameedkii nahay waa mid aanu abaal weyn ugu hayno, waxaan leeyahay waan kaaga mahadcelinaynaa Wasiir, waana abaal aan kuu hayno”.
Taliyaha Bolice-ka Somaliland C/laahi Fadal Iimaan ayaa gaadhiga kala wareegay Wasiirka ayaa kalmad mahadnaqa goobta kasoo jeediyey, isagoo sheegay in Wasiir Cali xataa isagoo xildhibaana deeqo faro baddan soo gaadhsiiyey, gaadhigan uu hadda ku wareejiyeyna baahi weyn oo dhinaca amaanka ah ka tari doono Maagaladda Dhagaxdheer.
“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed, maaha markii ugu horeysay ee Bolice-ka wax taro, xataa markii xildhibaanka uu ahaa deeqo faro baddan ayaanu ka helnay ka Bolice ahaan, aad ayaan kuugu mahadnaqayaa mudane Wasiir, runtii waa mid aad ugu baahnayn oo wax baddan oo dhinaca amaanka ah naga caawin doona”.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa isna dhinaciisa ka hadlay deeqdan gaadhiga ah ee uu maanta ku wareejinayo Taliska Bolice-ka, isagoo ku dardaarmay inay ilaashadaan oo hawsha loogu talo galay ugu adeegaan, Wasiir Cali wuxuu hadalkiisa ku bilaabay.
“Maanta waxaan gaadhigan ku wareejinayaa Taliyaha Bolice-ka Somaliland C/laahi Fadal Iimaan, iyaguna waxay gaadhsiin doonaan Xarunta Bolice ee Magaaladda Dhagaxdheer ee Degmadda Balidhiig ee Gobolka Togdheer”
“Magaaladdan oo baaxad weyn Bulsho weyna ku dhaqantahay ayaa Talisku wuxuu hore ugu dhisay Magaaladda Dhagaxdheer xarun Bolice iyo ciidankeedii, waxa ka dhinaa gaadhigii ay ku hawlgali lahaayeen, aniguna gaadhigaas ayaan ku wareejinayaa maanta, furihii gaadhigana waxaan ku wareejinayaa Taliyaha Bolice-ka si uu ugu wareejiyo Degmadaas”.
Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud
C/raxmaan C/laahi Wirdaani