Horjoogaha Wadani Oo Taageero Ku Raadinaya Dilkii Qorsheysnaa Ee Lagu Qudhgooyay Taliye Caseyr Iyo Waji Gabax Uu Kala Kulmey. Hadalo Diidmo Iyo Baryo Isugujira Oo Lays Dhaafsadey …! Kaadiriin Maanka Wadani Ku Waynaa Oo Tareenka Xisbiga Ka Degi Doona. Gudoomiyaha Xisbiga Isu Habarwacdey Ee Wadani Ayaa Shaley Safar Tuhuno Badan Dhaliyay Ku Yimi Magaalada Berbera Horjoogaha Xisbiga Wadani Waxaa Safarkiisa Ku Wehelinaayay Xoghaya Arimaha Bulshada Ee Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Xubno Ka Mid Ah Tageerayaasha Xisbiigiisa Ee Kasoo Jeeda Beesha Bariga Burco Safarka Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Ku Yimi Magaalada Berbera Ayaa Lagu Sheegay Inuu Tacsi Soo Gaadhsiiyay Eheladii Uu Ka Baxay Alle Ha Unaxariistee Marxuun Taliye Cabdirisaaq Caseyr Oo Dabley Hubeysani Ku Dishey Duleedka Magaalada Berebra Xasuusta Shacabka Somaliland Ku Ladhan Ee Dilkii Taliye Caseyr Ayaa Ah Inuu Xisbiga Wadani Gabi Ahaanba Ka Maquurtey Ka Ciyaarista Doorkii Ay Ka Xisbi Ahaan Ay Ka Lahaayen Dajinta Xiisadii Ka Dhalatey Dilkii Foosha Xumaa Ee Dableyda Hubeysani Ku Qudhgowsay Rabi Ha Unaxariistee Taliyahii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Warar Hoose Oo Shabakada QorilugudNews Ka Heshay Safarka Horjoogaha Wadani Ayaa La Sheegay Inuu Gudoomiye Cirro Beesha Marxuunka Usoo Jeediyay Iney Ka Xisbi Ahaan Kala Shaqeyn Doonan Sidii Xukun Adag Loo Saari Lahaa Dableyda 11-ka Kooban Ka Qof Ee Qaarajisey Marxuun Taliye Caseyr Taas Badalkeedana Ay Cod Kooda Ku Taageraan Xisbigiisa Wadani Inta Ka Horeysana Ay Beeshu Munaasibad Cudud Tageero Ugu Muujineyso Ku Qabsato Magaalada Hargeysa Dadkan Aanu Xoggtan Ka Helay Oo Ka Gaabsadey In aan Magacooda Sheegno Ayaa Intaas Ku Darey Beesha Marxuun Cabdirisaaq Caseyr Ay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Ucadeysay Inaaney Wax Cod Ah Siineyn Xisbigiisa Wadani Isla Markaana Ku Eedeyeen Iney Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Wadani Lug Ku Lahaayen Dilkii Qorsheysnaa Ee Loo Gaystey Marxuun Taliye Cabdirisaaq Caseyr Waxaaney Halkaas Beeshu Cod-dheer Kaga Sheegtay Iney Xukumada Somaliland Cudud Tageero La Barbar Istaagi Doonan, Xoggtani Ayaa Intaas Ku Dartey Inuu Kulan Kaasi Kusoo Dhamaadey Kala Kac Iyo In Qorashahii Uu Gudoomiye Cirro Uu Watey Dhicisoobey Si Kastabe Ha Ahaate Safarka Xod-xodashada Ah Ee Horjoogaha Wadani Uu Ku Yimi Magaalada Berbera Ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Xisbiga Wadani Ay Gabi Ahaanba Isaga Huleelen Xubno Maanka Wadani Ku Waynaa Halka Warar Kalena Ay Tilmaamayaan In Maalmaha Soo Socda Xisbiga wadani Ay Tareenkiisa Ka Dagi Doonan Masuuliyiin Shidhka Hore Kaga Jirey Siyaada Aan La Mahadin Ee Wadani.