Ciidamada Puntland Oo Iskaga Yaacay Agagaarka Deegaanka Bixin Iyo Maleeshiyaadka Cali Khaliif Oo Ku Soo Wejihan Fadhiisinada Ciidanka M/Garoowe

0
450

dagaal ooge cali khaliif galaydh iyo maleeshiyaadka ka tirsan maamulka puntland ayaa waxaa ka dhex bilaamay dagaal siyaasadeed iyaga oo hawada isku mariyay hadalo adag oo ay ku muuqato cadaawad iyo in ay bilaaban fidmo ay kala dhex dhigaan beelaha ka soo jeeda deegaanada sool iyo buuhoodle  xiisadan ayaa waxa ay ka dhalatay kadib markii ay iska hor yimaadeen ciidamo uu hogaaminaayo fidmo wade camey oo ah madaxweyne ku xigeenka m/puntland iyo qaar ka mida hor joogayaasha uu hogaamiyo cali khaliif galaydh kuwaas oo is weydaarsaday rasaas xoogan   intaa kadib cali khaliif ayaa waxa uu si deg dega uga jawaabay falalka ay ku kaceen maleeshiyaadka uu hogaaminaayo cali m/ku xigeenka puntland isaga oo ku tilmaamay siyaasad hoosta ka xidhiidhsan oo ay dabada ka riixayso madaxda sar sare ee puntland waxaanu yidhi:  madaxda sar sare ee puntland oo doonaya in ay soo xero geliyaan dhamaan dadka dega deegaanada sool taleex iyo buuhoodle kuwaas oo nagu beer laxawsanaaya waxaynu nahay daarood ee aynu ku soo biirno maamulka hana qaaday puntland kaas oo loo sameeyay in lagu dabar gooyo dadkayaga una soo adeegsanaya rag calooshooda u shaqaysatayaala oo ka soo jeeda deegaanada ay degaan beelaha dhul bahante  hadaba waxa ay bilaabeen in ay hada faraha toos ula soo galaan arimaha dadka aanu u arimino iyaga oo doonaaya in ay kulamo la qaatan beelaha dega deegaanadaas nagana amar qaadan hadaba waxaan u sheegaya maamulka puntland in ay farta dhexda ka qaniini doonaan hadaanay joojin colaada ay ka hurinayaan deeganada aanu ka soo jeedno  sidoo kale camey ayaa isaguna ku han jabay in soo qaban doonan maleeshiyaadka uu gadh wadeenka ka yahay cali khaliif isla markaana ay soo gelin doonaan gacanta m/puntland waxaanu sheegay in cali khaliif uu diiday talooyin badan oo ay siiyeen siyaasiyiinta reer puntland kuwaas oo u dheg jalaq u siin waayay  sidoo kale ciidamada uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka puntland ayaa ka ruqaan saday deegaanka bixin oo meel aan ka fogayn ay ka samaysteen bar kaantarool kuwaas oo ka qaatay xamaamadoodii kadib markii ay ogaadeen in dagaal yahanada uu hogaamiyo cali khaliif ku soo fool leeyihiin ciidamada puntland  waxaanay iskaga baxeen deegaano badan oo ayda ku yaala kuwaas oo si qarsoodi ah ay ugu dhuumaalaysan jireen ciidamo tiro yar oo taabacsan maamulka puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here