Home Muuqaalo Australia Oo sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Hub Badan Oo Soomaaliya Ku...
Badmaaxiin u dhashay dalka Australia, ayaa gacanta ku dhigay hub loo soo waday Somaliya, sida ay sheegeen qaar ka tirsan Badmaaxiinta, hubkaasi oo lagu qariyay Doon kaluumaysi oo maraysay Xeebaha Bariga Dhexe.
Saraakiil u hadashay Guuto ka tirsan Ciidamada Badda dalka Australia ayaa sheegay inay meel u jirta 300 oo kilomiter xeebaha dalka Cuman kasoo qabteen dooni kaluumeysi oo lagu qariyay 1989 qoriga AK-47 ah, qoryaha fud fudud, ku dhawaad 100 gantaalada garbaha laga rido ah, 49 qoryaha daran dooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro.
Hubkaan ayaa la tilmaamay inuu ku soo wajahnaa dalka Somaliya sida Saraakiisha ay sheegeen, sababta ay qabteena ay tahay in Somaliya ay saaran tahay cunaqabateyn dhanka hubka ah.
Taliyaha Ciidanka howlgalka Australia Admiral David Johnston ayaa sheegay in guutada loo yaqaan HMAS Darwin ay heegan adag ku jireen marka loo eego hubka ay gacanta ku dhigeen oo ku soo wajahnaa xeebaha Somaliya.
“Mid kamid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee guutadan HMAS ugu dirnay gobolka ayaa ah iney ka shaqeyso amaanka dunida iyo la dagaalanka argagixisada caalamiga.” Sidaa waxaa yiri Admiral Johnston.
“Howlgalka guuleystay iyo qabashada xigtay ee hubka ee lagu qarinayay shabaagta kaluumeysiga waxay muujineysaa feejignaanta amaanka gobolka.”Ayuu hadalkiisa kusii daray.
Guutada gacanta ku dhigtay hubka oo ka tirsan Ciidamada Badda Australia ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin ciidamo Gobolka leeyahay oo ka hortagaya waxay ugu yeereen wax isku gudbinta argagixisada, burcad badeeda iyo dhoofinta waxyaabaha maanka dooriya.
Like this:
Like Loading...
Related