Xisbiga WADDANI ayaan gebi ahaanba ka qayb gelin aaskii maanta loo sameeyey gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Casayr oo ahaa taliyihii ciidamada Booliska ee gobolka Saaxil.
taliyaha ayaa saddex cisho ka hor lagu dilay meel u dhow degmada Sheekh,halkaas oo ay u galeen koox dablay ah oo ku toogtay,waxaanu u geeryooday toogashadaasi.
aaska maanta ayay ka qayb galeen wafti uu hogaaminaayey mdadaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo cuqaal tiro badan oo ka kala yimid gobolada Somaliland,waxa kale oo goobta joogay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo uu ka maraayey guddoomiyaha xisbigaasi Engineer Faysal Cali Waraabe.
waxa kale oo isna joogay goobtaasi guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed,halka uu meesha ka maqnaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo aanay ciddi ka joogin goobtaasi.
guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa shalay joogay magaalada Burco oo uu kaga qayb gelaayey xubno ay sheegeen inay kusoo biireen xisbigaasi WADDANI oo dumar iyo caruur u badnaa.
toddobaadyada soo socda ayaa la filayaa in uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI u baxo gobolka Saaxil oo ay ka bilaabmi doonto diwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo hadda kasoo gebo geboobaaya gobolka Awdal,waxaana la filayaa inuu olole u tago goobaha codbixinta ee gobolkaasi ,gaar ahaana Barriga gobolka Saaxil oo uu kala bakhaylay tacsigda marxuumkaasi gacanta ka xaqa darani dishay .
ka muquurashada Xisbiga WADDANI ee aaskaasi iyo u ambabaxa ololaysan ee uu ku tegi doono gobolkaasi Saaxil iyo degaanada uu marxuumku kasoo jeedo ee ,Togdheer,Gar’adag ,Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ayaa la sugayaa natiijada uu kala kulmo.