Dilkii Taliyaha Qaybta Booliska Ee Berbera Oo Loo Aanaynayo Shirqool Dedan Iyo Dhito Dabin Ah Oo Loo Maleegay , Maleeshiyo Beeleed Buuraha Saaxil Lagu Xanaanaynayo Oo Qudhgoysay

0
597

Dilkii Taliyaha Qaybta Booliska Ee Berbera Oo Loo Aanaynayo Shirqool Dedan Iyo Dhito Dabin Ah Oo Loo Maleegay , Maleeshiyo Beeleed Buuraha Saaxil Lagu Xanaanaynayo Oo Qudhgoysay    Su,aalaha Dulhoganaya Dilkii Taliye Casayr , Maxay Tahay Sababta Ay Buuraha U Galeen Budh-Cad Beeleedku  Inatay Nabadu Joogtaa Ninba Laba Nin Leegyahay      Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil Gashanle C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr ayaa Dabalay Hubaysan ku Toogteen Tulada lagu Magacaabo Tuulo Dhibiijo oo ku Taal Bariga Magaalada Berbera gaar ahaan buurelayda Biyoolay kadib markii ay is Rasaasayn Dhex martay Ciidan uu Hogaaminaayaya Taliyaha Qaybta Gobolka Saaxil Marxuum C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr Ayaa ku naf waayey weerar ay gaadmo ah oo maleeshiyaad Beelaysan oo buura gali ay ku rasaaseeyeen Taliyaha Waxaa Kale oo dhawac soo Gaadhay Ku Naf waayey Askari ka tirsan Ciidanka police oo lagu Magacaabo Maxamud Cabdi Xasan  Sida uu u sheegay Gudomiye ku xigeenka Gobolka Xaamud Cabdilaahi Xuseen oo Warbaahinta La hadlay socday taliyaha Geeriyooday ayaa sheegay in uu Geeriyood Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil Gashaanle C/risaaq Yusuf Maxamuud Casayr dhaawac culusna soo Gaadhaay Askari ka tirsan Police oo lagu magacaabo Maxamud Cabdi xasan Waxaana Cisbataalka Magaalada berbera yaal Marxuunka La toogtay Dilka taliyaha ayaa Ilo Xogagali Sheegayana Inuu Ahaa mid dhito loo dhigay Islamarkaana Loo Shirqooolay Maleeshiyada dilka gaysatay Ila looga qaateena oo waftiga ka ag dhawaa ayaa tibaaxay intaan la dilin taliyaha inay wada hadleen maleeshiyada falka gaystay is afgarad ka dibna uu taliyuhu damcay inuu soo laabto balse loo gaystay dilkan weerarkan ayaa loo aanaynayaa inuu yahay mid laga dambeeyey oo shirqool dhagaraysnaa …   maleeshiyada beelaysan ee falkan gaysatay ayaa lagu waramaya in waayahanba ay buuraha ku jirey ilahan ayaa warinayaa in hogaamiyaha maleeshiyadu ka mid yahay shaqaalaha dekada magaalada berbera hadaba , Su,aalaha ku Saabsan Taliye qaybta booliska ee Gobolka saaxil ayaa shaki iyo Xiisad ka abuuray Magaaladda Berbera,iyo guud ahaanba somaliland,waana sababta aan u daabacay qormadan su,aalaha ka kooban , waxaan soo jeedinayaa inaan ciidanka Qaranka qabyaaladdii ina rogtay lala dhex rafan oo lagu kala daadin.  Ku dhawaad Labaatan Cisho ka hor ayaa sidda la sheegay Maayirka Magaaladda Sheikh Ibrahim Cabdilaahi Cabsiiye oo lasoo hadlay Marxuum Taliye Casayr waxaanna uu u sheegay in laysku haysto Beer ku taalo deegaanka u lagu magacaabo tuuro-dhabiijo oo dhow biyoolay isla markaasna ay tahay in dadkaasi la kala saaro, waana sababta marxuumku halkaasi u tagay.  Su,aasha si weydiinta mudane waxay tahay dablaydani maadaama aanay hawsha Taliyaha iyo badhasaabku xigeenku u socdeen ahayn mid qusaysay , Waa maxay sababta ay dilkani u gaysteen dablaydu ?.  Taliye Cabdirisaaq Yusuf Casayr iyo badhasaabka yaa ogaa inay biyoolay tageen ? , Ma soo xaliyeen dhibtii halkaasi ka taagnayd ? Taliye Casayr wuxuu ku hubaysnaa Baakoolad kaliya oo aanu waliba isticmaalin ama ridin , waxaana la socday afar askari isaga iyo badhasaabku xigeenka , markii maydkiisa laga soo rogayay gaadhiga wuxuu saarnaa Kursiga dambe dhiig badani kama socon su,aasha meesha taalaa waxay tahay ,Taliye Casayr Qaabkee loo Toogtay ?.  haddii Sidda Badhasaabku waxay u sheegay waxa u dhaceen dablayddii oo rasaas la hubiyay , siddee ayay macquul u noqonaysaa aniga iyo Darawalkii gaadhiguna oo kuraasta hore saarnayna waa waxba nama gaadhin Taliyihii oo Kursiga dambe fadhiyana waa xabado badan ayaa ku dhacay.? siddee xabad kasoo gashay gaadhiga daaqadda hore u madanayn kartaa bowdada askariga kale ee ilaaladda ahaa ?  Dablayda dablayda hubaysan iyo Weftiga Taliye Casayr ka tirsanaa miyay wadahadleen ka hor intaan toogashaddu dhicin , haddiiba ay taasi dhacday maxaa suurogaliyay inay dablaydu Maydka Taliye Casayr soo daayaan maadama sidda la sheegay markii hore ay isweer ka qabteen ?.  Maadaama ay Kooxda Dablayda ah ku jiraan Shaqaale ka shaqeeya dekedda Magaaladda berbera xidhiidh intee le,eg ayay yeelan karaan masuuliyiinta dekedda Berbera iyo dablaydani hubaysani ?. ugu dambaytii yaa la xidhiidhay Taliye Casayr ee saacadihii ugu dambeeyay ee iyo intii la socotayba ?.   Su,aalahani haddii Jawaabo sax ah loo helo waxay shaafiyi karaan Quluubta Askarteena iyo bulshadeena guudba!!!!   Xigasho Wargeyska SAHAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here