Qarax Ka Dhacay Magaalada Xums Ee Dalka Suuriya Oo Galaaftay In Ka Badan 46 Qof Oo Shacab Ah.

0
799

Kooxaha u ololeeyaha arrimaha Suuriya waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 46 qof lagu dilay qarax  ka dhacay magaalada galbeedka ku taalla ee Xums.

 

Kooxda indha indheysa arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee fadhigoodu yahay Britain, waxa ay tilmaamtay in intabadan dadka qaraxyadaasi ku dhintay ay rayid yihiin.

Labada qarax waxa ay ka dhasheen gawaari la dhigay xaafadda aad looga taageero maamulka Bashar Al-Asad.

Illaa iyo hadda macadda kooxda ka dambeysay waraxyadaasi, laakiin deegaankaasi waxaa horey weerar noocaan ah ugu qaaday kooxda Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here