Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Laga Hirgeliyey Qalab Lagaga Hortagayo Dadka Damacsan Inay Naftooda Halligaan.

0
572

Dawladda Maraykanka iyo shirkadda xidhiidhka bulshada ee Facebook, ayaa sannad ka hor bilaabay hawlgal lagu samaynayo qalab iyo habab lagaga hortagayo dadka damca in ay qudha iska jiraan, iyadoo waqtigana waddanka Ingiriiska laga hirgeliyey tallaabadaas.

 

Facebook iyo Ingiriisku waxa ay sameeyeen koox loogu talogalay inay diraan farriimo ay kula dalinayaan dadka facebook isticmaala ee loo arko in ay is-khaarajinayaan iyo waliba saaxiibadood oo lagu wargelinaayo haddii ay dhacdo khatar ah in ay soo diiwaangeliyaan amma u soo diraan xarunta Facebook.

Masuuliyiinta Facebook waxa ay sameeyeen koox ka shaqaysa dunida oo dib u eegta warbixina isticmalaayashooda u diraan, gaar ahaan kuwa ay u arkaan inay khatar badan keenaan sida dadka dhaawaca isu gaysta amma kuwa soo dirsada farriin ku saabsan in ay caawimo u baahan yihiin.

Qalabkan Facebook u soo daray mareegtiisa waxa markii ugu horraysay bishii February ee sannadkii hore lagu soo bandhigay Maraykanka, kaasoo ay ka codsadeen xarunta ka hortaga is-dilka dadka Ameerkaanka, halka xilliganna xarunta Samirtans la yidhaa ee Ingiriisku tallaabadaas oo kale qaaday.

“In aan ilaalino ammaankaaga waxay muhiim u tahay waajibaadkaga Facebook,” ayuu yidhi Rob Boyle oo ka mid ah masuuliyiinta Facebook.

Sidoo kale, shirkadda Facebook waxa ay sheegtay in ay leedahay urur ka shaqeeya dhinaca dhimirka oo caawiya dadka dhimirka wax ka qaba haddii ay damcaan in ay is dilaan, kaasoo xarumaha dawladahan la shaqeeya.

“Haddii qof Facebook isticmaala arko inuu khatar ku jiro amma is dilayo, waxa aan waydiinaa inuu la xidhiidho meesha ugu dhow ee gargaarka laga soo diri karo. Sidoo kale, waxa aan ka codsana inuu noo soo diro warbixinta,” ayuu yidhi Boyle.

Waxa kale oo Facebook u ballanqaday qofka Ingiriiska iyo Maraykanka jooga ee arka dhacdooyin noocan ah inuu u fidinaayo dhammaan wixii lagaga hawlgeli lahaa badbaadinta qofkaas amma joojinta falkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here