Labadan Fanaan oo muddooyinkii u danbeeyay deganaa Magaalada Boorame, waxay farxad weyn ka muujiyeen booqashada uu gurigooda ugu yimi Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro, waxayna uga mahad naqeen siyaarada ixtiraamka huwan ee uu ku soo sharfay Siyaasigani. Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka waramay tariikhda faca weyn ee ay labadaas Fanaan ku la hayeen Sugaanta Somaliland, wuxuuna tilmaamay inay mudan yihiin booqashada iyo ka soo war helka xaaladooda. Siyaarada uu Guddoomiye Cirro ugu tagay labadaas Fanaan waxaa ku wehelinaayay Madax ka tirsan Xisbiga WADANI.
SALAAN MEDIA
FUAAD QAWDHAN LONDON