Dhabar Xanuunka Oo Noqday Cudurka Dunida Loogu Cabasho Badanyahay, Sababta Keenta Iyo Taladiisa

0
672

Back painXeeldheerayaasha caafimaadka ayaa mar kale ku celiyey digniintoodii ay ku sheegayeen khatarta dhabar xanuunka, waxa aanay bukaanka iyo dhakhaatiirta la tacaalaba dhabar xanuunkaba kula dardaarmeen in aan la dhayalsan xaaladdan.

Koox xeeldheerayaal ah oo ka tirsan jaamacadda Washington ee dalka Maraykanka ayaa tiro-koob dhabar xanuunka la xidhiidha oo ay ka sameeyeen 200 oo dal oo dunida ah, waxa ay ku ogaadeen in dhabarka qaybtiisa hoose ee xanuunsataa ay tahay waxa ugu badan ee dhammaan dadka dunidu si aad ah uga cabanayaan waqtigan la joogo, xanuunka labaad ee loogu cabasho badan yahay dunida ayaa noqday raqabad xanuunka, waxa aanay xeeldheerayaashu sheegeen in sahamintan ay ku ogaadeen in labadan xanuun

ay xitaa mararka qaarkood ka kaar badan yihiin wadne xanuunka iyo cudurka duumada.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in dhabar xanuunku uu mararka qaarkood dadka hayo sannado badan oo aanay dawadu waxba ku tarin. Arrinta ka sii daranina waa in dhabar xanuunku aanu da’ ku koobnayn balse uu si isku mid ah ugu faafay da’aha kala duwan ee dadka dunida oo ay ku jriaan dhalinyarada weli aadka u da’da yari.

Xeeldheerayaasha oo sidoo kalana baadhay sababaha keeni kara dhabar xanuunka ayaa ogaaday in fadhiga badan ee weliba sida qaabka daran uu qofku u fadhiistaa ay tahay sabab muhiim ah, waxaa soo raaca qoorta oo qofku caadaysto in uu dhinac u leexiyo, taas oo inta badan dhacda marka talefanka gacanta lagu hadlayo iyo marka la isticmaalayo aaladaha casriga ah ee IPad, Tablet iyo kuwa la mid ah.

Sahamintan ayaa lagu ogaaday in dadka dunida maanta ku dhaqan badankoodu ay laba illaa afar saacadood maalin kasta ku qaataan ku hadalka iyo isticmaalka kale talefannada casriga ah iyo aaladaha la mid ah ee aynu kor ku soo xusnay, taas oo ah sabab aad u kordhin karta dhabar iyo raqabad xanuunka dunida dadkeedu sida aadka ah waqtigan casriga ah uga cawdaan.

Ugu dambayntiina waxa ay xeeldheerayaashan caafimaad ku celceliyeen in la iska ilaaliyo in qoorta dhinac ama xagga hore loo leexiyo si looga ilaaliyo in isu-dheelli tirnaanta miisaankeedu lumo. Sida ugu fiicanina waa in qofku uu kor u soo qaado aaladda uu isticmaalayo si uu u soo gaadhsiiyo meel uu arki karo, isticmaalina karo isaga oo aan foorarin, haddiiba uu laba saac oo isku xigta isticmaalana ay fiican tahay in uu yara hakiyo oo uu ugu yaraan shan daqiiqo jimicsado

Xigasho: Geeska.dh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here