Xisbiga WADDANI Oo Dhigiisa KULMIYE Iyo Saraakiisha Hoggaamiya Kaga Horeeya Dhexgalida Bulshada & Ogaanshaha Baahidooda

0
628

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si weyn uga hormaray dhigiisa KULMIYE marka loo eego dhexgalida bulshada iyo booqashada haldoorka dalka ee bukaan jiifka ah. Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa 4-tii todobaad ee u danbeeyay noqday masuulkii ugu booqashada badnaa.

Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayuu guryahooda ku booqday Muj: Muuse Faqash oo kamid ahaa sarakiishi ugu caansana ururkii SNM, muddo dheerna u jiifay xanuun haleelay iyadoo aanay jirin masuul ka horeeyay Guddoomiyaha WADANI oo is dultaaga, sidoo kale Caaqilka ugu da-da weyn cuqaasha Togdheer ayuu isna booqday.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland walalkii Cali Maxamed Maxamuud (Cali Digirin) Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse iyo Muruud Sheekh Siciid Sheekh Cabdiraxmaan ayuu si wada jir ah mid mid ugu kuurgalay xaalada ay ku sugan yihiin, isagoo  ka waraystay  waayahooda caafimaad. Geesta kale Xisbiga WADANI iyo Guddoomiye Cirro ayaa laga dareemayay mudooyinkii u danbeeyay  ogaasho  ku aadan duruufaha bulshada Somaliland ku geedaaman. Xaafada Oktoobar ee Axmed Dhagax ayuu Guddoomiye Cirro ka dhagax dhigay xarun caafimaad halka Guddoomiyaha WADANI oo tixgelinaya codsiga ay odayaasha, dhalinyarad, aqoon yahanka ,haweenka,ku dhaqan degmada Balli-dhiig isagoo ka jawaabaya dalabkii ay u soo bandigeen uu doraad munaasabad balaadhan oo ka dhacday xafiiska guud ee Xisbiga WADDANI uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, wuxuu ku guddoonsiiyey xubno odayaal ah oo matalaayey dadka ku dhaqan degmada Balli-dhiig Gaadhi Bas  ah oo nooca waa weyn ah.

In kasta oo Xisbiga KULMIYE ay shaqaynayso Xukuumaddii ka dhalatay oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha rug cadaaga ah ee Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)  oo wax qabad badan ka hirgaliyay guud ahaan Waddanka Somaliland muddadii u xilka hayay, taas oo aan u suurto galin dawladihii ka horeeyay ayaa  hadana marka dhinaca hoggaanka Xisbiga KULMIYE la barbar dhigo dhigooda WADANI waxaa siweyn u muuqanaysa in aanay sarakiisha hoggaamisa Xisbul Xaakimku ku gaadhayn habdhanka dabacsan  hormuudka WADANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here