Wadamada Adduunka Ugu Xooga Roon Dhinaca Milatariga Oo Ku Dhawaaqay Xabad Joojin Ka Hirgasha Dalka Suuriya

0
667

Wadamada Adduunka Ugu Xooga Roon Dhinaca Milatariga Oo Ku Dhawaaqay Xabad Joojin Ka Hirgasha Dalka Suuriya

Qaar ka mid ah dalalka ugu muruqa weyn aduunka ayaa isku raacay xabad joojin laga hirgeliyo dalka Suuriya kadib wadahadlo ay ku yeesheen Jarmalka.

Xabad joojinta oo lagu ballamay in ay ku bilaabato muddo todobaad ah ayaa waxaanan qeyb ka aheyn kooxaha jihaad doonka ah sida Daacish iyo kooxda kale ee Al Nusra.

Wasiiro ka kala socda ururka la maac baxay Kooxda Taageeradda Suuriya oo u badan kuwa dalalka reer Galbeedka, ayaa ku heshiiyey in la balaariyo lana dadajiyo gargaar bani,aadannimo oo loo fidinayo dadka ku go,doomay goobaha dagaaladu ay ka socdaan.

Heshiiskan ayaa imaanaya xilli ciidamada Dowlada Suuriya oo taageero ka helaya dayaaradaha dagaalka Ruushka ay kusii siqayaan gobolka sida daran loo baab,iyey ee Xaleb, halkaas oo ay wali ku noolyihiin kumanaan ruux oo rayid ah.

Gargaarka ban,daadannimo ee loo fidin doono dadka barakacayaasha ah ayaa lagu wadaa in uu bilowdo maanta oo Jimca ah.

Xaaladda Syria ayaa qasneyd tan iyo kacdoonki ka dhanka ahaa Bishar Al Asad ee sanadki 2011. Tan iyo markaas waxaa ku dhintay boqolaal kun oo ruux halka malaayiin kalana ay ku barakacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here