Booliiska Talyaaniga Oo Gacanta Ku Soo Dhigay 100 Qof Oo Ka Tirsan Kooxaha Mafiyada Ah.

0
410

Booliiska Talyaaniga ayaa shalay olole ku qaaday kooxaha Mafiyada dalkaasi awooda ku leh, hawlgalkii shalay ayaa lagu soo qab qabtay in ka badan 100 eedaysane.

Inta badan dadka lasoo qabtay ayaa kamid ahaa labada qoys ee Mafiyada ah ee lagu kala magacaabo Laudani iyo Camorra.

Hawlgalka ayaa ka dhacay magaalooyin kala duwan ee wadanka Talyaaniga gaar ahaan jasiirada Sicilly, balse waxaa sidoo kale jira xubno ka tirsan kooxahan oo lagu qabtay wadanka Holland kuwaasi oo lagu wado in la keeno dalka Talyaaniga.

Xubnihii shalay la qabtay waxaa kamid ahaa hogaamiyaha kooxda Camorra oo kamid ah kuwa ugu halista badan mafiyada Talyaaniga, ninkaasi oo lagu magacaabo Alessandro Giannelli oo 38 sano jir ah. Waxaana la qabtay isagoo doonayey inuu gaari uga baxsado ciidamada Booliiska.

Mafiyada Talyaaniga ayaa bilihii lasoo dhaafay dhexdooda ay ka qaraxday dagaal taasi oo keentay in weeraro kala duwan lagu dilay ugu yaraan 10 xubnood oo sar sare oo ka kala tirsanaan kooxaha loolanka ka dhaxeeya oo ku dagaalamayey suuqa deegaanka Napels.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here