Ammaanka Garoomada Diyaaradaha Ee Maamul Puntland Oo La Adkeeyey.

0
548

Ka dib weerarkii qarax ee diyaaradii Daallo Airlines ayaa waxaa wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Maamulka Puntland ay bilowday adkeynta ammaanka garoomada si looga feejignaado waxyaabaha lidiga ku ah amniga.

Bashiir Muuse Cabdiraxmaan oo ah maareeyaha garoonka diyaaradaha Bosaso oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka Garoonka diyaaradaha.

Diyaaradii Daallo Airlines qaraxii ka dhex dhacay kaddib ,waxaa isa soo tarayay walaac dhanka ammaanka ah oo laga qabo garoomada diyaaradaha qaarkood.

…Ciidamo tababaran oo kulliyadda ka soo baxay isla markaana ah sharci yaqaano ,shaqadana yaqaana yaa la keenay garoonka, amnigana waxaa iska badelay oo waa la adkeeyey ayuu yiri Bashiir Muuse.

Bashiir Muuse Cabdiraxmaan ayaa intaasi ku daray in aysan saameyn ku yeelan doonin qaraxii garoonka Muqdisho, garoomada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee guud ahaan garoomada dalka Somalia ayaa amnigooda la adkeeyey, kadib qaraxii ka dhacay diyaaraddii ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here