“Wadooyinka La Dhisay Si Aanu Khasaare Ugu Iman Waxaanu Laba Xarumood Oo Qaabilsan Dayactirka Ka Samaynay Bari Iyo Galbeed”. Wasiir Cali Mareexaan

0
398

(QYN-Hargaysa) Wasiirka Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guryaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa sheegay in waaxda dayactirka wadooyinka la xoojin doono laba xarumood oo Bari iyo Galbeedka ahna loo sameeyay, maadaama oo wadooyinka cusub ee la dhisay iyo kuwii hore ee la cusboonaysiiyay  ay dhibaato xooglihi soo gaadhayso haddii aan  dayactir joogto lagu samayn.

Wasiir Cali Mareexaan oo arrimahaas ka hadlaaya wuxuu yidhi. “Wadooyin badanbaa la sameeyay, dawladda iyo caalamku iska kaashadeen iyo qaar kaloo soo socdaba gaar ahaan kuwaas oo si weyn looga maal galiyay Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF. Wadooyin kaasi waxay u baahan yihiin dayactir

marka wado la dhiso gaadiid-baa marayaa xoogba loo is ticmaalaya waa in mar kasta  si joogto ah loo dayactiraa, si aanay xoolihii la galiyay u dayacmin oo u khasaaroobin wadadiina u bur-burin”

Wasiirka Hawlaha Guud oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. “Wadooyinku waa dhisme si joogto ah haddii aan loo dayactirin khasaaruhu wuu sii bata, sidaa daraadeed qaybta dayactirka wadooyinka oo aanu ugu tallo galnay inay laba xarumood oo Bari iyo Galbeed ah yeelato isla markaana hawl wadeeno wareega ayaanu samaynaynaa, sidaa daraadeed ayaanu maanta gaadhigii ugu horeeyay ee qaybtaas la wareegaynaa”. Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali Xasan Maxamed

Qoryaalenews/Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here