Marwada Kowaad Ee Qaranka Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Hay’adda UNFPA( Video+ SAWIRRO)

0
556

QYN-Hargeysa)-Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa manta oo bishutahay 11-ka February, 2016, shir kula yeelatay xafiiska Wakiil-sharafeedka CARMMA ee Jamhuuriyada Somaliland madaxda Hay’ada UNFPA, Wasaarada Caafimaadka iyo Wakiilka oo ah Marwada 1-aad ee JSL, Marwo Amina Sheikh Mohamed Jirde.

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahaa xog kala qaadasho ku saabsan Ololaha Yareynta Umul raaca ee loo soo gaabiyo CARMMA iyo doorka Wakiil-sharafeedku kagashay sanadkii inadhaafay.
Waxaa dhinacyada shirayey ay ku qanceen waxqabadka iyo sida loo fuliyey ololaha iyagoo markaas aad uga mahadnaqay Marwda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay Ololahan.
Madaxda UNFPA oo qaarkood ka yimaadeen dalka Kenya, ayaa balan qaaday in ay Ololaha halkaa kasii anbaqaadayaan oo welibana ka codsaday Wakiilka in Ololaha la sii balaadhiyo dhowr mawduuc oo kalena lagu soo kordhiyo kuwaas oo ay ka mid yihiin gudniinka fircooniga ah iyo in la helo adeeg caafimaad oo tayo leh.
Shirkan ayaa ahaa mid lagu gaadhay go’aano guul u noqonaaya hooyada iyo caruurta Somaliland.
Dhinaca kale Hayada UNFPA waaxdeda horumurinta dadweynaha waxay ku heelantahay sidii ay u taageerilahayd dawalada sidii loo helo xog dhab ah oo laga soo qaado goobaaha hooyooyinka iyo dhalaanka ee xaruumaha caafimaad.

 

 

 

????????????????????????????????????
Sidii loo heli lahaa daboorgoynta dhimashada hoyada iyo dhalaanka markey umulayaan loona yareeyo umul raaca hoyadda iyo caruurta. Waxaanu had iyo jeer ku talo jirnaa in la helo xog cilmiyeysan sidoo loo ogaan lahaa meelaha ay ku bedenyihiin iyo sidii loogo dejin lahaa qorshayaal dhab ah oo ka turjumaya baahiyaha caafimad ee goobaha kala duwan ee dalka.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa “xog la helyaaba talo la hel” sidaa darted xogtu waxay naga caawineysaa sidii loo soo saari lahaa mashaaric horumarined oo ku saleysan xog dhab ah iyo sidii loo geeyn lahaa gargar ama taakuleyn goobaha baahid

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here