Xukuumadda Somaliland Oo Laban-laabtay Ammaanka Madaarrada Iyo Agabyo Uu Labtop-ka Aan Shidneyni Ka Mid Yahay Oo Rakaabka Laga Mamnuucay

0
466

Kadib tababar kor loogu qaadayo xirfadda hawl-wadeenada Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport oo ay fulinayso Hay’adda SRM oo maalintii shalay la bilaabay, ayey wasaaradda Duulistu shaaca ka qaadday tallaabooyin cusub oo kor loogu qaadayo ammaanka Madaarrada dalka iyo midka dadka rakaabka ah ee ka dhoofaya ama imanaya.

Munaasibaddii tababarkan lagu furayey, ayey masuuliyiinta wasaaradda duulistu kaga dhawaaqeen inay wax weyn ka beddelayaan qaabkii loo geli jirey garoomada diyaaradaha ee dalka, isla-markaana ay jiri doonaan agab badan oo madaarka hore loola geli jirey, balse haatan wixii ka dambeeya mamnuuc ka ah gegida caalamiga ah ee Cigaal iyo kuwa madaaradda kale ee Somaliland.

Ugu horrrayn Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md  Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo halkaa ka hadlay ayaa kaga dhawaaqay Go’aamo hor leh oo ay soo saartay Wasaarada Duulistu, kuwaas oo ammaanka kor loogu qaadayo, “waxaanu la socodsiinaynaa in baadhistii Madaarada Somaliland oo dhan sare loo qaaday, in goobihii wax lagu baadhayey la kordhiyay oo aanu qofka Rakaabka ahi   aanu dhib u dareemin hadii baadhitaanadu ay intii hore ka bataan, waayo xaalada Amniga ayaa khasbaysa, in la ilaaliyo Diyaarada iyo rakaabkeeda, Arintii ugu danbaysay ee Diyaaradii Garoonka Muqdisho ka kacaday ee la qarxiyey markii ay dhacday, waxaanu soo kordhinay, in aanu joojino dhamaan wixii Dareere ah in Diyaaradaha lala raaco ee ama gacanta lagu qaadan jiray ama Shandadaha lagu ridi jiray, Dareeraha hadaan fasiro waa Biyaha, waa sharaabka, waa Subaga, waa Muqmada, waxa ka magnuuc ah in ay ka baxaan Garoomada Somaliland Dadka iyo Shirikadahaba waanu u sheegaynaa in aanay ku soo lu go’in, sidoo kale Laptop-yada mid walba waa la shidayaa, Laptop aan shidmayan cidi Garoonka kama dhoofindoonto, Biraha Baabuurta, Diyaaradaha, Mishiimada, ee furfurka ah iyagana waanu joojinay.”ayuu yidhi agaasime Cumar-sayid.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Cismaan C/laahi Saxaradiid oo halkaa isna ka hadlay ayaa waxa fariimo uga Diraya Baarlamaanka Somaliland iyo Maamulka Dawlada Somaliya,   isaga oo la hadlaaya Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxa uu yidhi,

“Maanta Madaxtooyada Somaliland waxa ay Xeerka Duulista Hawada ku Celinaysaa Baarlamanka Somaliland, Xeerkaasi muddo ayuu rafanayey, marna waxa uu gaadhayey Guurtida, marna waa laga soo celinayey iminka markii ugu danbeeyay, waxa uu yaala isaga oo aan la isla afgaran, waxaanu ku boorinaynaa Gudoomiyaha Baarlamaanka J/S/L Mudane C/raxmaan iyo Baarlamanka J/S/L  dhamaantood, in ay Xeerkaasi sidii dawladu u soo gudbisay, ay u gudbiyaan, Xeerka Duulista Madaniga ah ee S/L , waxa weeye %70 waxa uu ka kooban yahay Shuruucda aduunka , maaha Madaarku Dukaan Qof haysto, ama Bakhaar qof haysto oo uu leeyahay, Madaarkan waxaa Xukuma Shuruuc Caalami ah oo ay Adoonyada oo dhami ay leedahay, %30 soo hadhay waxaa lagu daneeyaa Dantaa gaar ee Wadankaasi leeyahay siday doontaba ha noqotee.”

Wasiir Cadaani isaga oo ka hadlaaya amaradii is khilaafsanaa ee ay Dawlada Somaliya kaga hadashay Duulimaadyada ka taga Hargaysa S/L ee taga Muqdisho Somaliya, ayaa waxa uu yidhi:-

“baryahan danbe hadalo ayaa soccday, ka soo yeedhayey Dalka Somaliya ama Dawlada Somaliya, hadallo ismaandhaaf ah run ahaantii, oo Madaxa Socdaalka iyo Wasiirka Duulistu ay ku kala duwan yihiin, anaga sida aad ka war haysaan Hadaanu nahay Wasaaradda Duulista S/L kamaanu hadal arrintaas oo waxaanan uga hadlin macluumad ayaanu baadhaynay, waxan Dadweynaha J/S/L, iyo Somaliya, iyo Caalamka u sheegaya in aanay jirin wax alla wax fulin ah oo Dawlada somaliya, Somaliland Duulimaadyo kaga joojin kartaa , waayo Dawlada S/L waa xor oo Dadkeeda ayaa u codeeyay mudo 25 Sano ah, haday Dhulkeeda tahay, haday Badeedatahay, iyo haday Cirkeeda tahayba iyagaa u Taliya oo cid kale oo ay u daba fadhiisanayaan ma jirto, waxa kale oo jira Maanta Hawada inaga iyo Somaliya inaga dhaxaysa, waxaa Xukuma Hay’adda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here