Maleeshiyadkii Cali Khaliif Oo U KalaJabay Laba Garab Iyo Siyaasadii Cali Khaliif Oo Ku Soo Ururtay Hooyoy Hoosta Igeli

0
884

Waleeshiyadkii Cali Khaliif Oo U KalaJabay Laba Garab Iyo Siyaasadii Cali Khaliif Oo Ku Soo Ururtay Hooyoy Hoosta Igeli

degmada buuhoodle waxay in badan hoy qal qalo ka dhigay maleeshiyaad hubaysan oo ay hogaaminayaan siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka buuhoodle kuwaas oo bulshadii kuwada noolayd dhex dhigay nacayb,dagaalo iyo nabad la,aan
waxaanay dub uga dhacday horumarka ay gaadheen deegaanada kale ee ka tirsan somaliland kuwaas oo ay hakad geliyeen deegaankaas oo ay ka dilaacday shufti uu hogaaminayaan qaar ka mida siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadaa
balse hada waxay muuqata in ay soo gab gabaysmayaan dhibaatooyinkaasi waxaananu idiin soo gudbinaynaa war bixino kala duwan oo hor istaagay hawlaha dadkii nabadiidka ahaa kuwaas oo u jeedkoodii ka dhigay hal bacaad lagu lisay
maleeshiyaadkii uu hogaaminaayay cali khaliif galaydh ayaa waxay mudo wadeen colaad dheer oo soo jiitamaysay kuwaas oo ay ku abuuree beelaha wada dega deegaanadaas isla markaana si toosa uga hor yimaadeen qadiyada somaliland
maleeshiyaadkii uu hogaaminaayay cali khaliif galaydh waxay iska caabin kari waayeen cadaadis siyaasadeed oo ay saareen xukuumada somaliland waxaanay wiiqda awoodii uu doonaayay in uu dad badan ku duufsado
waxaanay keentay in ay khilaaf balaadhan soo kala dhex galo hogaamiyaha maleeshiyaadka khaaumo iyo ku xigeenkiisa kuwaas oo ku kala aragti duwanaaday siyaabaha ay u socdaan hawlahoodu halkaas oo ay isku mari waayeen qodobo hor leh
waxaanay keentay in ay laba garab u kala jabaan jabhadaasi kuwaas oo ay kala hogaaminayaan dagaal ooge cali khaliif galaydh iyo ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo,mr:cagalule
khilaafkan ayaa keenay in ay hubka isu qaatan garabyada kala taabacsan cali khaliif galaydh iyo ku xigeenkiisa mr caga lule kuwaas oo ku hirdamay hogaanka maleeshiyaadkaas taas oo markiiba dhulka la dhigay cali khaliif isla markaana uu ku xigeenkiisu ku dhawaaqay in uu si rasmi ah ula wareegay xilkii maeeshiyaadkaas isla markaana hadii cali khaliif u hogaansami waayo awaa miirta uu siiyo dagaal ku qaadi doono isaga iyo inta taageersanba
khilaafkan oo gil gilay isla markaana dhulka dhigay siro badan oo ay maleegayeen dhagar qabayaashaasi ayaa waxay gaadhay in uu cali khaliif diro ergo uu kaga codsanaayo in dub loogu soo celiyo awoodii maamulka
markii ay bilaabantay dagaalkaasi ayaa waxa isku dayay in ay kala dhex galaan maleeshiyaadka hubaysan cuqaasha wax garadka iyo talo ka go,eenka beelaha dhul bahane taas oo isla markiiba uu u quus gooyay ku xigeenkii cali khaliif mr:caga lule oo sheegay in aanu wareejinayn maamulka isla markaanu uu siagu sii wadi doono dhagarta ay maleegayaan
dagaal ooge cali khaliif galaydh
cali khaliif ayaa waxaa uu magan soo biday deegaanka buuhoodle halkaas oo uu ku suganyahay wasiirka wasaarada caafimaadka somaliland axmed ciise xaglo toosiye oo beryihii u danbeeyay ku hawlanaa nabadaynta deegaanka buuhoodle
cali khaliif ayaa markii uu soo galay buuhoodle u habar wacday qaar ka mida beesha uu kaa soo jeedo oo uu sheegay in uu yimi deegaankiisi isla markaana aanu wadin wax fidmo ah halkaas oo uu doonaayo isaga iyo maleeshiyaadka taabacsan in ay ka bilaaban wada hadalo u dhexeeya cali khaliif iyo ku xigeenkiisa
dhanka kale cali khaliif galaydh ayaa wadnaha farta ku haya madaam oo ay ka soo xidhantay deegaanadii uu ku dhuumaalaysan jiray halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka uu hogaaminaayo ku xigeenkkiisu oo raacdo kulul ugu jira sidii ay u soo ceshan lahaayeen ilaalada cali khaliif iyo tiro yar oo taabacsan taladiisa
dhanka kale waxaa u sii quus goysay wasiir xaglo toosiye oo shir doceedyo la qaatay qaar ka mida cuqaasha iyo wax garadka beelaha dhul bahante isla markaana uu safar ku maray deegaano ay deegaan beelaha dhul bahante halkaaas oo uuku buuriyay in ay ilaashadaan nabad galyadooda isla markaana ka feejignaadan in ay ka faaiidaystaan dagaal oogayaasha ay isku beesha yihiin xagl toosiye
waxanu wasiirku sii wada weli hawlaha uu u joogo nabadaynta ah ee uu u joogo deegaankaas si lama filaana ayuu wasiir xaglo toosiye u ogaaday in uu magaalada buuhoodle ku sugan yahay cali khaliif waxaanu sheegay in uu gacanta ku soo dhigaayo halkaas oo ay isku af garan waayeen qaar ka mida ilaaladiisa isla markaana ay kudhaqay in ay is casileen
wasiirka ayaa waxaa markiiba soo gaadhay cuqaal iyo wax garad u soo jeediyay in ay ka saarayaan deeganka buuhoodle cali khaliif isla markaana ay la furi doonaan wada hadalo ay ku soo dabaalayaan nabada iyo xasiloonida deegaanka buuhoodle wasiirka oo si fiican u dareen san saamaynta dalabka ay u soo jeediyeen wax garadka buuhoodle ayaa ka aqbalay
warar laysku halayn galo ayaa intaas ku daraya in wada hadal uu wasiirku la furay qaar ka mida siyaasiyiinta uu hogaaminayay cali khaliif kuwaas oo ay ka mid yihiin mid ka mida siyasiinta ugu cad cadaa hogaanka maleeshiyaadka khaatumo kaas oo ahaa wasiirka arimaha gudaha ee maleeshiyaadka khaatumo
oo balan qaaday in uu dhex dhexaadin iyo odayti nimo ka galaayo deegaanada ay ka soo jeedaan wasiir xaglo toosiye ayaa sidoo kale xidhiidh la sameeyay garabka uu hogaaminaayo ku xigeenkii cali khaliif

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here