Kacaan-yahannada WADDANI Oo Ka Faraxashay Xaflad Lagu Soo Xero-gelinayo Siyaasi Kursiga Looga Kicinayo Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga

0
781

Musharaxii dhawaan jagada madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga Ucid iska casilay Md Cabdirashiid Xasan Mataan iyo xubno uu hoggaaminayo, ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ku biiraan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhaw dhaw xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxa uu siyaasigani wada-hadallo qarsoodi ah la galay Xisbigaas, waxana ugu dambayntii uu ku qancay inuu la midoobo xisbi aanu haatan ka hor la dhacsanayn hannaankiisa hoggaamineed.

Wali ma cadda shuruudaha dhinacyadani kala saxeexdeen, waxase la xaqiijiyey in jagooyin muhiim ah xisbiga laga siin doono, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan warar sheegaya in hoggaanka Waddani oggolaadeen in Kursiga musharrax-ku-xigeenka uu Cabdirashiid Xasan Mataan tartan u geli karo, isla-markaana laga saacidi karo.

Maalmaha Salaasada ama Arbacada ee toddobaadkan, ayaa lagu wadaa in xubnahan munaasibad gaar  ah oo lagu shaacinayo ku biiristooda Xisbiga Waddani la shaacin doono.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo muddo kooban siyaasadda Somaliland ku soo jirey, ayaa kasoo jeeda midka mid ah Qabiilooyinka ugu tunka weyn gobolka Awdal, waxana loo arkaa duufaan siyaasi ah oo god madow ku ridi kara damaca aan cagaha adag ku taagnayn ee Axmed Muumin Seed oo isagu aan xisbiga Waddani ku dhex haysanin cudud uu kaga hortegi karo daadkan cusub ee lagu soo faruuray.

Kaadiriinta Xisbiga Waddani oo u badan Raaska Cabdiraxmaan Cirro, Ayaan la dhacsanayn siyaasadda Axmed Muumin Seed, waxana ay guddoomiye Cirro cadaadis joogto ah ku saarayaan inuu xisbiga keeno Cabdirashiid Xasan Mataan oo ay u tuhmayaan inuu xisbiga kusoo kordhin karo codad tiro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here