Dawladda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Abaaraha Dalka Ka Jiraa Ay Saameeyeen In Kabadan Hal Milyan Oo Qof

0
575

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay dalka ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyey in kabadan hal milyan oo qof waxaanay sheegtay xukuumaddu in tiro koobyadii u dambeeyey ay muujinayaan inay abaaruhu ugu daran yihiin gobolada galbeedka dalka.

Madaxwayne kuxigenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo arrimahaas ka hadlay ayaa baaq u diray beesha caalamka iyo ganacsatada Somaliland, waxaana uu ugu baaqay inay caawimo u fidiyaan dadkaasi tabaalaysan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “waxaa muuqata ama cadaatay in abaartaasi ay saamaysay dad hal milyan kor u dhaafaya oo u tabaalaysan cunno la’aan iyo biyo la’aan iyadoo ay waliba maanta u sii daran yihiin dadkii beeralayda ahaa ee wax soo saari jiray sida ay warbixintani qortay waxaanu dadka reer Somaliland dareenkooda ku soo jeedinaynaa inay abaaro ba’ani ka jiraan gobolada Selel, Awdal, Gabiley, Maroodi-jeex iyo qayb ka mid ah Sanaag” . Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey “waxaanu halkan u taaganahay inaanu u jeedino beesha caalamka, hay’adaha qaramada midoobay, hay’daha maxaliga ah, hay’daha islaamiga ah, wadamada carabta ah, ganacsatada iyo umadda reer Somaliland gude iyo dibadba waxaanu u iclaaminaynaa in dalka ay ka jirto abaar ba’an gaar ahaan gobolada galbeedka oo sida la sheegay labadii sano ee u dambaysay aan dhulka qaar roob ka di’in”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here