Banaanbaxyo Ka Dhan Ah Muslimiinta Oo Lagaga Dhawaaqay Qaarada Yurub.

0
558

Dhaq dhaqaaqa cunsiriyiinta kasoo horjeeda Muslimiinta ayaa ku baaqay banaanbaxyo looga soo horjeedo Islaamka oo ay doonayeen inay ka dhacaan wadama Midowga Yurub, isu soo baxyadaasi oo intooda badan ku dhamaaday Rabshado.

Kooxda Pegida ayaa ku guuleysan weyday inay helaan tiro dad badan oo ku taageera banaanbaxyadii ay ka dhigeen dalalka Germany, Holland, Austria, Poland, UK, Denmark iyo France.

Magaalada Dresden ee Germany oo ah xarunta Pegida ayaa banaanbixii ka dhacay ay isugu soo baxeen 8000 oo kaliya iyadoo sidoo kale ay ka horyimaadeen kumanaan dad kale oo kasoo horjeeda kooxda Pegida.

Rabshadaha ugu xooga badan ayaa ka dhacay magaalada Amsterdam ee dalka Holland kadib markii Taageerayaasha Pegida oo gaaraya 70 ay dhexda u galeen Kumanaan dad careysan oo kasoo horjeeda kooxdan cunsuriyiinta ah.

Booliiska oo isku dayey inuu kala celiyo labada kooxood ayaa xabsiga u taxaabay ugu yaraan 20 qof kuwaasi oo ka qeyb qaatay rabshadihii ka dhacay caasimada Holland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here