“Dahabshiil Baarkinka Fooqiisa Weyn Wuxuu Dawladda U Shubay 1-Milyan 128000$, Dadkii Ka Guurayna. 37 Guri Ayuu U Dhisay..” .”. Wasiir Cali Mareexaan

0
551

(QYN-Hargaysa) Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay dhawaaqyo ka soo yeedhay xubno kamid ah dad kala duwanaa oo maalmihii u danbeeyay ka hadlaayay Muranka dhulka Tiyaatarka Hargaysa, kuwaas oo sheegay in Ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo dhisme fooq ballaadhan ah ka hirgaliyay qaybo kamid ah dhulkii Tiyaatarka uu dhismaahasi u baahanyahay Baarkin, iyagoo soo hadal qaaday fooqa weyn ee Dahabshiil oo ay sheegeen in Baarking danbe la siiyay.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo maanta ka hadlaayay shir jaraa’id oo ay sida wada jir ah ugu qabteen Wasaarada Warfaafinta isaga iyo Wasiir Cukuse, ayaa ka jawaabay weedhahaas lagu carabaabay sherkada Dahabshiil. Wasiirka Hawlaha Guud oo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

Dadkii Telefeeshinada ka hadlaayay  dad badan oo waayeel ah ayaa ku jiray ee laha Dhismaha Cumar Caydiid wuxuu u baahan yahay Baarkin sida fooqa weyn ee Dahabshiil ee Hargaysa. Horta in mid la ogaado weeye, Cumar Caydiid dhulka uu hadda dhistay bilaash ayaa loo siiyay wax lacag ah oo dawladda uga soo xerootay ma jirto, hadduu Baarkin u baahanyahay waxay ahayd inuu ugu tallo galo, Dahabshiil Baarkinkiisa fooqa weyn wuxuu Khasnada Dawladda ku shubay 1-Milyan 128000$ (Hal Milyan Boqol iyo Sideed iyo Labaatan Kun Oo Doolar) oo gashay dhismaha Xarumaha Dawladda, shaqaalaha iyo waxqabadka kale ee ummadda ay Xukuumaddu u qabatay. Markuu intaas bixiyay ee Dawladda u shubay wuxuu hadana dadkii ka guuray dhulkaas u dhisay 37-guri oo daar ah oo lawada ogyahay, wax buuq ah iyo isqabsi midna kamaydaan maqal. Marka dee horta qofku Baarking uun maha inay kaga dhegto ee waa inuu sharciga raaco, cid si gaara wax isu siisaana ma jirto. Cumar Caydiid isagaa bilaash Madaxweynuhu dhulkaas u siiyay oo ugu hibeeyay ninka hibada intaas leeg la siiyay ma inuu ummadda buuq galiyaaba mise waa inuu mahad naqo.” Sidaa ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here