Dadka Sucuudiga Oo Korodhay 2.4% Sannad Gudihii.

0
912

Dadka Sucuudiga, ayaa sannad gudihii uu ku yimi korodh dhan 2.4%, kuwaasoo tiradoodu gaadhay 31.5 milyan qof dhammaadkii 2015-kii, sida ay sheegtay Xarunta Dhexe ee Xogta iyo Macluumaadka Sucuudiga u qaabilsan.

Dadka dhalladka ah ee Sucuudiga ayaa 21.1 milyan qof ah, kuwaasoo 67% bulshada ka ah, halka ajenebiga joogaana dhan yihiin 10.4 milyan, kana noqonaya dadweynaha 33%.

Korodhka bulshadan ku yimi oo dhan 751,000 qof oo u dhiganta 2.4%, kuwaasoo la diiwaangeliyey sannadkii 2015, marka la barbardhigo sannadkii hore waa korodh aad u badan. Dadkan waxa ka mid ah 427,000 Sucuudi ah (2.1%) iyo 324,000 (2.2%) ajenebi amma socoto ah.

Sannadihii u dambeeyey dadka Sucuudiga waxa ku imanayey korodh aad u badan, sababtoo ah sannadkii 2014 waxa bulshada Sucuudigu ahayd 22.6 milyan, taasoo kor u kacday sannadkii 2015 tiro dhan 3.4%, noqonaysana in bulshadu gaadhay 23.3 milyan.

Dadka Sucuudiga korodhkii ugu badnaa wuxuu ku yimi sannadkii 2010, kaasoo korodhku noqday 8.6% amma bulshadu gaadhay 25.4 milyan sida waaxda xogta iyo macluumaadku sheegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here