Shiinaha Oo Saldhigii Ugu Weynaa Ee Milatari Ka Samaysanaaya Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

0
868

Saldhigaan  Millateri ee ay qorsheynayaan Shiinaha inay ka sameystaan dalka Jabuuti ayaa wuxuu noqonayaa Saldhiga ugu weyn ee Bariga Afrika Shiinaha ay ku yeeshaan.

Jabuuti waxaa ku yaallo Saldhigyo Millateri oo waaweyn oo ay leeyihiin Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska, iyadoo ay jiraan Dowlado kale oo Saldhigyo ku leh dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arimaha dibada Shiinaha oo lagu magacaabo Lu Kang ayaa sheegay in saldhigaasi ay u adeegsan doonaan in ciidamada Shiinaha ee ku sugan gacan Cadan loogu gudbiyo hubka iyo adeegyada ay u baahan yihiin.

“Sanadihii lasoo dhaafay, shiinaha wuxuu ciidamo u diray xeebaha Somaliya iyo biyaha gacanka Cadan si u gutaan waajibaadkii laga doonayay, badmaaxiinteena waxay u baahan yihiin adeegyo kala duwan saldhigan ayaana ka saacidi doono.” Ayuu yiri afhayeenka u hadlay Shiinaha.

Inka badan 60 maraakiibta dagaalka Shiinaha ayaa loo soo diray dalka Somaliya tan iyo markii ay ku soo biireen howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ka socda dalka Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa ku yaala Bariga Qaarada Africa wuxuuna xuduud la wadaagaa dalalka Eritrea, Ethiopia iyo Somaliya, waxaana saldhigyo ku leh wadamo badan oo reer Galbeed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here