Saraakiil Ka Tirsan FBI-da Mareykanka Oo Ku Biiray Baadhitaanka Diyaaraddii Daallo.

0
612

Koox yar oo ka socda FBI-da Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan baaritaanada lagu haayo diyaaraddii Daallo Airline, taasoo maalinimadii Talaadadii deg deg ugu soo laabatay garoonka Muqdisho, kadib markii wax loo maleynayo inay qarax yihiin uu gudaha diyaarada ka dhacay, xilli ay hawada ku jirtay.  daallo-1-740×416 Saraakiisha Hey’adda Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in khubarada ka socda Mareykanka ay u yimaadeen in la ogaado waxa dhabta ah ee uu ahaa shilka ka dhacay diyaaradda Daallo. Agaasimaha Hey’adda Saadaasha Hawada C/wahaab Sheekh Cumar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Mareykanka inay ka saacido baaritaanka diyaaradda. “Waxaan dooneynaa in baaritaan dhab ah in la sameeyo, si loo qanciyo shacabka, isla markaana ay soo baxdo natiijo sax ah”ayuu yiri Agaasimaha Hey’adda Saadaasha Hawada oo xusay in FBI lagu casuumay baaritaanada socda. Sidoo kale baaritaanada ayaa waxaa qeyb ka ah Saraakiil Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Britain iyo Saraakiil ka socda dalka Gariiga. Duuliyihii Diyaaradda Daallo ayaa sheegay in waxa diyaarada ka dhex dhacay ay yihiin qarax, halka Saraakiil Mareykanka ay qabaan in waxa gudaha Diyaarada ka dhacay ay yihiin qarax, isla markaana la helay maado waxyaabaha qarxa sameysa oo ah TNT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here