“Ma Jiro Shir Somaliland Ku Lid Ah Oo Badhan Lagu Qabanayaa Hadalkaasina Waa Kii Suuqa”Wasiir Cadami

0
557

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda  Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa waxba  kama jiraan iyo war aan jirin ku tilmaamay warar sheegayay in magaalada Badhan  lagu qabanayo shir Somaliland ku lid ah oo ka soo horjeeda qaranimada iyo jiritaanka dalka,warkaasoo ay baahiyeen mareegaha wararka qaarkood.

Wasiir Cadami waxa uu  intaas ku daray  warkaasi uu yahay kii muqaaxiyaha iyo marfashyada ee malo awaalka ah.

Waxaa kale oo uu Wasiirku sheegay in magaalada Badhan ay ku sugan yihiin masuuliyiintii qaranka ee heer gobol iyo degmo ee Somaliland iyo Suldaanka guud ee beelaha Warsangali isla markaana imika looga diyaar garoobayo sidii ay deegaanadaa uga qabsoomi lahayd diwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo dhawaan ka qabsoomi doonta.

“Horta waxaa jira hadal marka muqaaxiyaha la fadhiyo la sheego ama marfashyada oo malo awaal ah Badhan ayaa shir Somaliland lid ku ah lagu qabanayaana waa malo-awaalkaa muqaaxiyaha oo waxba kama jiraan weeye,  hadday jirto khatartaasina maanu  qarsaneen oo dhibtaa annagaaba  ka hadli lahayn oo tegi lahayn oo ka guntan lahayn. laakiin waa war aan jirin oo xaqiiqada ka fog,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan-dhiga oo xalay khadka Telefoonka ugu warramayay wargeyska DAWAN.

Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu intaas ku daray “Waxa kale oo jooga Badhan madaxdii heer gobol iyo degmo ee Somaliland iyo ciidankii qaranka, markaa shir Somaliland ka dhan ah qabashadiisu Badhan kama suuro gelayo,waxaa kale oo jooga Suldaanka guud ee Beelaha Warsangali iyo madax-dhaqameedkii deegaanka oo dhammaantood bulshada  kala shaqaynaya u diyaar garawga diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo dhawaan laga qaban doono deegaanada gobolka Badhan.”

Wasiirku waxa uu sheegay  in dhawaan la geyn  doono gobolka Badhan qeybta kaga soo hagaagtay muwaacinooyinka gurmadka abaaraha isla markaana ay tagi doonaan madaxda qaranka qaar ka mid ah.

“Halkan (Caasimadda Somaliland ee Hargeysa) waxaa laga qaadi doonaa qeybta kaga soo hagaagtay raashinta gurmadka abaaraha oo loo geyn doono dadka deegaankaas,imikana waxaa biyo loogu qeybiyay afarta daamood ee magaalada Badhan dadkii biyo la’aanta uga yimi meelaha miyiga ah kuwaasoo biyaha ka helay riigii dhawaan Xukuumadda Somaliland ka qoday. Badhani waa Somaliland,Somaliland-na waa Badhan cid Somaliland cadow ku ahina ma soo geli  karto oo shir qaranimada lid ku ah kuma qaban karto,marka aynu ka hadlayno shir. Shirku waa wax aan hawl yarayn oo aan qarsoomayn oo la wada dareemayo oo la arkayo oo dhaqdhaqaaqiisa leh oo dad badnaantiisa leh imikana waxaan kuu caddaynayaa in aanay Badhan waxaasi ka jirin ciidan qaran  oo taliye Guray madax u yahay ayaa jooga oo  qaranimada difaaceeda u jooga gobolka Badhan.”ayuu yidhi Wasiir Cadami waxaanu intaa ku daray oo uu hadalkiisa ku soo geba gabeeyay. “Meeshu (Badhan) cidla maaha qaranku wuu joogaa, waanu joogayaa horena wuu u joogay imikana iyo waligiibana wuu joogayaa dhakhsana weftiyo qaarna mucaawinooyin ay sidaan kuwo kalena  ay u socdaan arrimaha diwaan-galinta codbixieyayaasha ayaa tagaya Badhan iyo dadkeeduna ka weyn deegaan Xamar iyo meel aanay dawladnimo iyo dadnimo midna wadaagin looga gacan haadin karo,”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here