Dad Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Xabsi Ku Yaala Sacuudiga Iyo Qaar Ku Dhaawacmay

0
591

Iyadoo Soomaali fara-badan ay ku xiran tahay xabsi ku yaala Magaalada Jeddah Ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa maalin ka hor ku geeriyooday nin Soomaali ah. Ninkan ayaa xabsiga ugu geeriyooday dayacnaan.

Soomaalidan, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan looga soo kala qab qabtay Magaalooyinka Sacuudiga, ka dib markii lagu eedeeyay sifo sharci darro ihi inay dalkaasi ku jooggeen.

Maxaabiista Soomaalida oo isugu jira rag, dumar iyo carruurbaba, ayaa waxay qaarkood xabsigaasi ku xiran yihiin muddo laba bilood ah, halka qaarka kalana ay ku xiran yihiin muddo u dhaxeyso laba illaa afar toddobaad.

Axmed Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah Soomaalida ku xiran xabsiga ku yaala Magaaalda Jeddah, ayaa ku waramaaya in ninka Soomaaliga ah ee xabsigaasi ku dhintay, uu ugu dhintay xaaladda adag ee ka jirta xabsiga.

Axmed Maxamed Xaaji Cali, ayaa sheegay in Somaalida ku xiran xabsigaasi ay isugu jiraan 300 oo rag ah, saddex boqol oo dumar iyo 100 kale oo carruur ah, sida uu u sheegay Laanta afka Somaliga ee VOA.

Axmed, ayaa ku nuux-nuuxsaday in dhibaatooyin baahsan uu ku haysto xabsiga, isagoo intaa ku daray inaanay jirin cid wax u qabaneysa amaba siineysa taageerada ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inaanay jirin cid ka socoto Safaaradda Somalida oo ugu timid xabsiga, waxaana uu Safaaradda iyo Dowladda Somaliyaba uu ugu baaqay in loo soo gurmado, dibna loogu celiyo dalkooda.

Talaadadii, ayay ahayd markii in ka badan laba boqol oo Soomaali ah, lagana soo tarxiilay Sacuudiga ay diyaarad ka soo dejisay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here