Xabaalihii Ugu Horeeyay Ee Lagu Aasayo Kutubta Quraanka Ee Duugawday Oo Laga Sameeyay Hargeysa.

0
622

Xabaalihii ugu horeeyay ee lagu duuggo Kutubta Quraanka kariimka ah ee Duugga noqday ayaa laga sameeyay Dalka Somaliland Gaar ahaan Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa kuwaasi oo durba lagu Aasay Kutub badan oo Duug ah oo Quraanka Kariimka ah Waxa Xabaalahani lagu duuggayo Kutubta Quraanka Kariimka ah ee Duugawday kuyaalaan Woqooyiga Magaalada Hargeysa gaar ahaan Deegaanka Xeedho loo yaqaan,waxa ay ku dhexyaalaan oo ay isku dayr kuwada jiraan Xabaalaha kale ee dadka lagu aasso ee aadka u weyn ee Gacanta uu ku hayo islamarkaana uu nidaamiyay Alle Ajar iyo Xasanaad haka siiyo eh Sheekha Weyn ee Gayiga Somaliland Caanka ah ee Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro).    Waxa Xabaalahan lagu duuggayo Kutubta Quraanka Kariimka ah sida ka muuqatay loo habeeyay si heer sare ah,waxa lagu xeeray Darvu dheer,siliig iyo Ood dhacan ah,waxaana lagu dul dhejiyay Boodh ay ku xardhan yihiin erayo dadka loogu digayo innaanay Dulmarin,kudul-fadhiisan ama aanay wax Qashin ku dhex Tuurin,iyo Inaanay Dhegxaanta Dul saaran ka-dul qaadin Xabaalahaasi ay ku jiraan Kutubta Quraanka Kariimka ahi.  Waa Xabaalihii ugu horeeyay Dalka Somaliland inta la ogyahay ee lagu aaso Kutubka Quraanka Kariimka ah ee Duugga noqday ama googo’ay,. Waa Xabaalo Cusub oo dhawaan lagu soo kordhiyay Xabaalaha Xeedho ee awal Dadka uun lagu Duuggi jiray. Sida ka muuqatay waxa Durbadiiba lagu duuggay Kutub badan oo Quraanka Kariimka ah kuwaasi la dul dhigay dhegxaan islamarkaana laga ilaaliyay Qashinka sida Bacaha,Caagadaha iyo Wasakhda kale.   Magaran kartid inay goobtu Xabaal tahay iyo inkale oo sida Xabaalaha Dadka oo kale Ciida iyo Dhagax sare looma tuulin balse waa goob siman oo dhulka aan ka sarayn islamarkaana waxa si teel teel ah loogu daadiyay Dhagaxaan.Ma muuqdaan Kutubto oo way aasan yihiin balse waxa la dul sudhay Boodhkaasi oo dadka u sheegaya in Goobtaasi oo Xabaalaha kale ka oodan oo si gaar ah Siliig loogu xidhay inay ku duuggan yihiin Kutub barakaysan oo Quraaka Kariimka ahi. Inta badan Dadka reer Somaliland waa ay Gubaan Kutubta ka duuggawda, maadaama oo aanay heli Karin goob nadiif ah oo Kutubta lagu Aasi karo oo sidani oo kale Xor ah, waana talaabo Qiime leh in Xil weyn la iska saaro Kutubta oo la dayactiro ama sidan oo kale inta banaanka loo baxo loo xabaalo intii ay ku daranyeysnaan lahaayeen agteena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here