Waa Kuma Cabdiraxmaan Cirro: Hoggaamiyaha Xisbiga WADANI??. Halkan Kaga Bogo Tariikhdiisa…

0
970

Mudane-Cabdiraxmaan-Cirro,Intaasi waxii ka danbeeyey waxa uu u soo-kicitimay dhanka dalkiisa hooyo.Xilalka iyo Shaqooyinka uu Waddankiisa. Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cabdiraxman Cirro ),Waxa uu ku dhashay-1955-Magaaladda Hargeysa.Anbe qaadkii wax-barasho waxa uu ka bilaabay Magaaladda Berbera oo uu ku qaatay wax-barashadda Dugsiga hoose,Mudane-Cirro geedi socodkii wax-barasho waxa kale uu ku soo-qaatay dugsigii dhexe iyo kii-sare isla Magaaladda-Sheekh,(Sheekh-Secondery School-1977).

ntaas waxii ka danbeeyey Mudane-Cabdiraxmaan-Cirro,waxa uu u jeeni qaartay wax-barashadiisii sare oo ku qaatay meelo farro badan oo kala duwan.Cabdiraxmaan-Cirro,Shaahadadda-MBA,oo ka qaatay SIDAM-Collage –Muqdisho.Shaahadooyinka kale uu qaatay waxa ka mid ahaa sida-Shahaadda Degree oo ku qaatay wadanka Masar(Institute of National Planing in Cairo Egypt) Postgraduate -African Institute Moscow Rusia).Cabdiraxmaan-Cirro,Wax-barashadiisa sare waxa kale uu Shaahadadda sare ka qaatay sanadkii 1983-1985 (Bachelor of Science-BSC,USA South Corolina University ). Mud-Cabdiraxmaan-Cirro,Sida oo kale isla waddanka Maraykan waxa uu ka qaatay shahaadadda(Master of business administration MBA- Newyork State University).
Cabdiraxmaan M Cabdillaahi-Cirro,Luuqadaha uu ku hadlo waxa ka mid ah luuqada afkiisa hooyo-Soomaali.Luuqada Ruushka(Rusian Language,Luuqada Finland(Finnish Language) .Carabi(Arabic Language.Luuqaqadda Ingriisiga(English Language).
Cabdiraxmaan Cirro-Waayo Arragnimadda iyo Xilalka Masuuliyaddeed ee uu soo qabtay.
1977-1978,Waxa uu ahaa macalin wax-barasho dugsigii hoose-dhexe ee magaaladda Oodweyne.1981-1988,Waxa uu ahaa u-qaybsanaha Madaxa-waaxda iskaashiga dhaqaalaha W-Arrimaha Debedda ee Somalia.1988-1991-waxa uu ahaa qunsulkii- Dan-wadaagaha safaaradda Ruushka u fadhiyey Somalia.1997-1998 waxa uu ahaa hanti-dhowrka waaxda-socdaalka ee Finland.Sida oo kalena waxa uu ahaa Project Assistant International Organization for Migration (IOM) Findland. Xilalka kale uu qabtay waxa ka mid ahaa in uu ahaa xoghaya (Somali Social Democrat (SDP)
Mudane-Cabdiraxmaan-Cirro,Intaasi waxii ka danbeeyey waxa uu u soo-kicitimay dhanka dalkiisa hooyo.Xilalka iyo Shaqooyinka uu Waddankiisa Hooyo ka qabtayna waxa ka mid ahaa,Asaasayaashii Xisbigga-Ucid oo ka ahaa xubintii xoghayaha arrimaha debadda ee Xisbigga-Ucid.Kuxigeenkii guud ee xisbigga-Ucid isla markana ah Sii-hayaha jagada xoghayaha guud ee xisbiga ucid 2003-2005. Mudane-Cirro,Isla sanadkii-2005,waxa uu u tartamay ka midnoqoshada tartankii xubnaha golaha wakiiladda Somalilandgaar ahaan xildhibaanadii iska sharaxay Gobalka Saaxil-Barbera.Tartankii doorashada golaha wakiilada ee uu tartamay Mud-Cirro,waxa uu ku guulaystay Codkii uu xisbigga Ucid helay ugu badnaan isaga oo helay Afar-meeloodow-meel(25%) Codkii xisbigga Ucid.Mudane-Cirro, markale waxa uu tartamay Shir-guddoonka golaha wakiiladda (the chairmanship) halkaas oo markale u ku guulaystay in uu ahaadogudoomiya Golaha-Wakiiladda-Somaliland.
Cabdiraxmaan-Cirro iyo Dhalashadii-Xisbigga-Waddani.
Xilligii uu madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay furista ururrada siyaasadda ee cusub isaga oo u magacaabay guddi qaabilsan diiwaan-gelintooda,gudiddaas uu M/waynuhu magacaabay waxa ay diiwaan-geliyeen shan iyo toban urur siyaasaddeed oo kala ahaa,DALSAN, UMMADDA, NASIYE, DAMAL, NUUR, GURMAD, NDB, WADDANI, HORYAAL, SSCD, XAQSOOR, BADBAADO, NASIYE iyo RAYS.Shan iyo tobankan Urur-siyaasaddeed waxa sida likaha uga soo dhex mudhyidhiXisbiga Waddani oo uu fekerka asaaskiisa lahaa Mudane-Cirro kuna wehelinnaayeen asxaabtiisii siyaasaddeed ee ay gorfe-siyaasad waddaaga lahaayeen.

gudoomiye ciro
Maalin Khamiis ah bishii-Oct-6-2011 ayey ahayd ku dhawaaqidii rasmiga ahayd ee Xisbigga Waddani markii uu kaga dhawaqaay Hotel Maansoor Hargeysa Mudane-Cirro Xisbigga Waddani. Shirweynaha WADDANIwaxa uu ku qabsoomay isla MAANSOOR HOTEL ee magaalada Hargeysa waxaanna lagu martiqaaday ergooyinkii Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland” iyo Wufuud fara-badan.Shirweynaha WADDANI waxa uu ahaa kii ugu ballaadhnaa ee ay xisbiyaddu qabsadaan isla markaana Si toosa looga daawanayay dalka iyo debaddaba oo laga baahinayay Horn Cable TV. Iyadda oo la raacaayo xeerka tiradiisu-farqadiisu tahay afar iyo toban (xeer number 14) iyo xeerka xisbiyadaba waxa lagu doortay hoggaankii oo kala ahaa Laguna Doortay Gudoomiyaha Xisbigga iyo Shan G-ku-xigeen xoghaya guud iyo ku xigeenkiisa Gudidda fulinta iyo Golaha Dhexe. madaxda sare ee lagu doortay shirweynaha WADDANI waxa ay ahaayeen sidan Guddoomiyaha oo noqonaya Md Cabdiraxmaan M Cabdilaahi (Cirro) iyo shan guddoomiye ku xigeen oo kala ahaa· Axmed Muumin Saeed oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad,Faarax Maxamed Cabdilleoo loo doortay guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Raximullah Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Cabdilaahi Dheere) oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka 3-aad,Cabdi Siciid Raygal waxa loo doortay guddoomiye ku xigeenka afraad, Milgo Maxamed Cilmi Guddoomiye ku xigeenka 5-aad Shirwaynaha ayaa sidoo kale waxa cod gacan taag ah lagu ansixiyey xoghayaha oo loo doortay Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo markaa ahaa Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa.
Intaasi ka dib Xisbiga Waddani waxa uu noqday asxaabta qaranka Xisbigii ugu da’da yaraa marka loo-eego xiligii la-asaasay X-Waddani.Xisbiga-Waddani oo ay koobantahay mudadda uu jiray ayaa hadana ah Xisbiga ugu taageeradda badan dhanka bulshadda Somaliland.Mudane-Cabdiraxmaan-Cirro wakhtigan waxa uu u taaganyey Musharaxa-Jagadda M/weyne ee Xisbigga-Waddani doorashadda sanadka-2017.

Contact
+252634417106
hgurre.madaale@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here