Qaban Qaabada Munaasibad Xumad Jebin Ah Oo La Liqsiinaayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Oo Aad Uu Madaxu Uga Kacay Tageerada Iyo Cududa Isbahaysiga Dimuqraadi Doonka Xisbiga Kulmiye Ku Soo Bandhigay Burco Ayaa Si Tabcaan Ah Uga Socota Burco.
Xubno Ka Welwelsan Xaalka Muuse Iyo Faramadhnaata uu Keli Ku Noqday Xisbiga Horena Qalbiga Ugu Qaboojiyay Inay Burco Tageero Ugu hayaan Muuse Ayaa Qaylo Dhaan Kula Dhex Dhacay Bulshada Burco Balse Kala Kulmay Weji Gabax Iyo Goaan Midaysan Oo Dadweynuhu Aragtidoda Iyo Fikirkoodaba Ku Sheegay Inay Tageersan Yihiin Isbahaysiga . Balse Xubanahani Sidaasi Kuma Hadhine Waxay Bilabeen Inay Lacago Badan Oo Ay Ka Soo Qadeen Muuse Biixi Cabdi Ku Faraqaan Dadweyanaha Si Ay Uun Madasha Uga Soo Muuqdaan Si Aanay U Ceeboobin Taas Oo U Sahlaysa Inayar Oo Dhuunqaatayaal Ahi Ay Munaasibada Yimadaan Balse Aan Laysku Halayn Karin Inay U Yihiin Tageero Dhaba. Xubnaha Ololaha Ugu Jira Qabsoomida.
Munaasibada Kulmiye Ee Tageerada Loogu Raadinayo Muuse Biixi CabdiAyaa Waxaa Ugu Cad Cad Maayirka Burco Maxamed muraad Iyo Jaamac Xaaji Axmed Wallow Uu Ogsoonyahay Muuse Inaan Cod Iyo Tageeraba Aanu Ka Helayn Burco Iyo Gobolada Bariga xafladaasina Fashilantay xalay. Balse Cidii Soo Fadhiisataaba Ay u Noqonayso inuu Ku yara Qaboobo Lacagaha Muuse Soo Faraqay Oo Waxba U Qaban Waayay Waxaa Jeebka Ku Shubtay Raggan Aan Kor Ku soo Xusnay oo ka mid yahay Jamac X axmed oo goolaha
dheexe Kulmiye iyo Mayarka Burco oo hore Reer Burco u lahaayen inu bixiyay shidaal 1000 Litir oo isbahaysiga u siyay marki la ogaadayna doonaya inu xaflad Muse ku baabiyo Taas Oo Ah Xaydha Jecli Beerka Jecli.
Waxaa isna ka biya diday sida Muse Bixi wax u wado Gudoomiyihi Kulmiye Togdheer Xasan Matan oo awoodisi la daciifiyay ka dib shir ay qabten ururka soncafa ku sabsana doorashooyinku siday u dhacayan oo sadexda xisbi loo qabtay ayaa Gudoomiyaha Kulmiye Muse Bixi u soo waakishay Khalif Xinwal .halka iminkna Xafladan xalay baqatay ee cawa la qabanayo muse Bixi usoo waakishay Jamac X Axmed oo magalada dhoqoshay Degan balse iminka Burco ku sugan oo wada qabanqaabada xaflada cawa la filayo.
Mayarka Jamac
Suxufi Mawlid Cismaan Diiriye
Mawlidcismand@gmail.com