Wasiirada Ay Madaxweynaha Isku Beesha Yihiin Oo Ku Kala Jabay Kala Reebista Xaglotoosiye iyo Saylici

0
695

Hargeysa (QYN):- Wasiiradda ay isku beesha yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa kulan ay ku yeesheen guriga uu Hargeysa ka deggan yahay Wasiirka Macdenta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.

Wasiirada isku beesha ah ee kulankan isugu yimi ayaa ku kala aragti duwanaaday sidii ay u kala reebi lahaayeen tartanka ka dhex taagan Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) iyo Wasiirka Caafimaadka  Dr Saleebaan Ciise Xaglotoosiye oo  ku loomayan isla markaana u wada taagan in ay shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo qabsoomiddiisa ay maalin kaliyi inaga xigto wakhtiga loo muddeeya  oo ay uga wada tartamayaan Jagada Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbi Xaakimka KULMIYE.

Wasiiradda  kulanka wada yeeshay ee ay Madaxweynaha isku beesha yihiin ayaa  dood dheer ka yeeshay saamaynta uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ku yeelan karo Tartanka ay isku haleelayaan Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo u tartamaya in uu mar labaad ku soo boxo kursiga uu haatan ku fadhiyo isla markaana Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE u  ah Guddoomiye Muuse Biixi oo jagada Madaxweynaha u sharaxan isla markaana Xukuumadda ay iska casileen raggii Kursiga kula loolamayay oo ay banaanka isku hayaan.

Wasiirada ku shiray guriga Wasiirka Tamarta ayay badan koodu soo jeediyeen in Xaglotoosiye si toos ah loogu sheego in uu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa  isla markaana uu taageero Musharaxa Muuse Biixi wato oo Saylici ah laakiin waxaa taa ka soo hor jeestay laba xubnood oo ka mid ah Wasiiradda Beesha madaxweynaha ka soo jeeda ee shir hoosaadka wada yeeshay.

Wararka laga helayo ee u dhuun daloolay kulanka beelaysan ee Wasiiradu yeesheen,ayaa la sheegay in wax la iskaga waydiiyay  kulankii Qadada ahaa ee ay beesha Wasiiradu ka soo jeedaan iyo Beesha Xaglotoosiye ku dhex maray Hargeysa iyo taageeradii ay Beesha Bariga Burco xubnaheeda golaha dhexe ee KULMIYE ku taageereen Dr Xaglitoosiye oo caqabad ku noqon karta tartan ay wada galaan Saylici iyo Xaglotoosiye.

Inta badan wasiirada ayaa la sheegay in ay isku raaceen in Xaglotoosiye qasab kagaga dhigo in uu ka hadho tartanka isla markaana uu ku ekaado xilkiisa Wasiirnimo,

Laakiin waxaa arrintaa ka soo hor jeestay  Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen ka mid ahaa xubnaha isku beesha ah ee wada shirayay ee doonayay in ay Xaglotoosye ku qanciyaan in uu ka noqdo hankiisa musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka oo uu u tanaasulo Md Saylici.

Wararka ayaa intaa raacinaya in Wasiirka Dib u Dejinta Cali Siciid Raygal in uu ku dooday in Xaglotoosiye xaq u leeyahay in uu la tartamo Saylici isla markaana  aan la odhan karin u tanaasul loona baahan yahay in ay ku kala baxaan shirka golaha dhexe.

Kulankaas oo u jeedadiisu ahayn in Saylici laga reebo Xaglotoosiye ayaa  ku soo dhamaaday is afgaran waa iyadoo shirkii golaha dhexe ee KULMIYENA  la filayo in uu furmo maalinta salaasada ee ay bishi tahay 10.

Waxaana maalmihii ugu dambeeyay la sheegay in Madaxtooyadu ay ku hawlanayd sidii ay u qancin lahayd Dr Saleebaan Xaglotoosiye oo loolan adag kula jira Madaxweyne ku-xigeenka oo uu kursigiisa u sharaxan yahay.wasir xagle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here