Xirsi Ali X Xasan Mishiinka Dhaqaajiya Xukuumadda Siilaanyo ayuu Ahaa,Sharafna Wuu Kaga Tegay.

0
678

Akhriste maah maah Soomaaliyeed baa Jirta oo tidhaahda“Carab iyo Labadiisa Daanbaa Cid iskugu dhaw iyana ways Qaniinaan”,shaki kuma jiro in la wada og yahay sidii ay iskugu dhawaayeen Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirkii Hore ee madaxtooyadda Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo,runtii marka horeba wuxuu Xirsi Cali Xaaji Xasan ku kasbaday kalsoonida madaxweyne Siilaanyo waxay ahayd kartidii iyo waxqabadkii wasiirka oo runtii ahaa mid si xawli ah ku socday isla markaana shaqadii adkayd ee uu sida sharafta leh uga soo baxay Wasiir Xirsi ayaa keentay in uu kasbado madaxweynaha,kaliya maaha intii u qushuucday waxqabadkii Wasiir Xirsi madaxweynaha ee ilaa shacabkii ayaa si xoog ah ugu qushuucay waxqabadkii muuqday ee Wasiir Xirsi,hadaba Soomaalida ayaa waxay ku maah maahdaa“Dhariga Karka Maxaa Ka Keena iyo Kulaylka”,runtii wuxuu Wasiir Xirsi qaadan kari waayey ayaa jirtay oo ahayd in madaxweyne Siilaanyo ku amray wasiiradii ka soo jeeday beeshiisa inay si duuduub ah oo bilaa xoriyad ah,oo bilaa cadaalad ah u taageeraan Muuse Biixi Cabdi gudoomiyaha KULMIYE,arintaasi oo runtii Wasiir Xirsi u arkay inay dimuqoraadiyadda,Cadaaladda iyo xoriyadda ra’yiga ka soo horjeedo,wuxuu qaatay go’aan ah in uu xaqqa ku adimo oo uu diido in uu cadaalad daro taageero,taasina waxay keentay in uu Xirsi xilka ka tego,sax ayey ahayd,waxaan xasuustay bayd ka mid ahaa hees ay qaado Fannaanada Caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac bayd-kaasina wuxuu ahaa Ciyowga Habeen Dhawaaqay Wax uu Ka Cawduu Dareemay.
Hadaba Akhriste hore ayaa loo yidhi Gari Allay taqaan,wasiirkii hore ee madaxtooyadda shacabka Somaliland wuxuu uga markhaati yahay in uu ahaa halyey ku suntan waxqabad,dadaal iyo karti dheeraad ah oo uu muujiyey,inkasta oo uu dadaalkaasi iyo waxqabadkaasi badan sameeyey ayaa hadana waxay soomaalidu ku maah maahdaa“Abaal Nin Gallaa la Arkaa, Nin Gudaa se Yar”,laakiin waxa hubaal ah in maanta shacabka reer Somaliland ay karaamo iyo qadarin u hayaan Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,waxaan filayaa in meel kasta oo Somaliland ahba uu ku leeyahay taageerayaal tiro badan oo fadhiga uga kacaya maanta goob kasta oo uu tago,sidoo kale waxaan leeyahay Xirsiyoow adigu xilkaagii waad gudatay oo waad ka soo baxday,waanad mahadsantahay.
Gabagabadii qoraalkaygan runtii Soomaalidu waxay ku maah maahdaa“Arimo Rag Waa mudacyo Afkood”,waxaa shaki la’aan ah in Siyaasiga Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ka mid yahay Siyaasiyiinta doorka ah ee Somaliland u soo baxay,ee bulshadu sida gaarka u taageerayso kuna taageerayso waxay ka soo arkeen,wuxuu ka mid yahay ragga dhalinyarada ah ee wax ka bedelay Siyaasadda Somaliland iyo fikirkii laga haystay dhalinyaradu in aysan waxba qaban Karin,wuxuu muujiyey waxqabadka iyo horumarka Somaliland mudada dheer doondoonaysay in uu ku jiro dhalinyarada,mustaqbalka waxaan ka filaynaa in uu halkii ka sii wado horumarkii iyo dadaalkii uu ugu jiray dadkiisa iyo dalkiisaba,hadii heshiis laga gaadho khilaafka KULMIYE waxaan hubaan in uu kaalin mug weyn ka qaadan doono Xisbiga hadii se loo joojin waayo garta ay leeyihiin Xirsi iyo ragga kale ee la socdaa waxaan hubaa xisbi kasta oo uu ku biiro Xirsi iyo ragga kaleba in uu noqon doono xisbiga ku guulaysta Doorashada Soo socota ee 2017-ka loo qorsheeyey inay Somaliland ka dhacdo.

Ali Maxamed
Email:maxamedibrahim5@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here