Gudoomiye Ciro Oo Dalka Kusoo Fool Leh Bunkana Usoo Cabey Dildilaaca Xisbiga Kulmiye iyo Saaxiibo ay Ku Kala Dhaqaaqeen Aragtida Mucaarid iyo Muxaafid Oo Xisbigiisa Kulaalaya –

0
595

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani islamarkaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ayaa dalka kusoo fool leh kadib markii uu indhawaale, nasasho iyo tashi Siyaasadeed ugu maqnaa Wadanka Finland oo kamid ah Wadanada Yurub ee Bud-dhiga u ah  ah halka uu uga soo shidaal qaatey, saaxada Siyaasadeed ee Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Cabdiraxmaan-ciro ayaa lagu wadaa in uu maalinta khamiista ah ee Todobaadkan dalka dib ugu soo laabanto taas, oo xiligan siweyn looga dareemayo Kaadiriyiinta culus iyo taageerayaasha Xisbiga Wadani dhaqdhaqaaqa soo dhaweyntiisa oo ay deyrtan qeyb ka yihiin Xildhibaano Mucaaridka iyo Muxaafidkaba katirsan ee Golaha Wakiilada iyadoo la filayo in labadiisa Kuxigeen ee Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo ay in badan ku kala aragti

duwanaayeen mabaadiida Muxaafidka iyo Mucaaridku kamid noqon doonaan shakhsiyaadka safka hore kaga jira soo dhaweyntiisa, waxaanay wararka ka ag dhow Gudoomiye Ciro iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani daaha ka rogeen in uu wakhti xaadirkan siweyn weysada ugu soo biyeystey in uu mucaaridad xoogan ku waajahayo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana, habdhaca Siyaasadiisa diblamaasinimo ee uu ku caan baxey fursado badan uga raadinaya dildilaaca kuyimid Xisbi Xaakimka Kulmiye oo Shirkiisa Golaha Dhexe khilaaf cakirani ka taagan yahey, mudadii loo qabtey in uu ku qabsoomayo furitaankiisuna shinkeedu soo dhawaadey ,

Soo gurya noqoshada Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ahna hogaamiyaha ruuxiga ah ee Golaha Wakiilada mudo toban sanadood iyo dheeraad ahna Siyaasad Sir la luud ah kusoo hogaaminayay ayaa, kusoo beegmeysa xili isabadel Siyaasadeed oo hor lihi kuyimid Golaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo uu saameeyay khilaafka Shirka Golaha Dhexe ee Xisbi Xaakimka oo ay Golaha Wasiirada iska casileen tiradii ugu badneyd ee nooceeda ah oo Wasiiro xilal muhiim ah ka hayay Xukuumada ,waxaana sigaar ah wakhti xaadirkan isha loogu hayaa,doorka ay ku leedahay isbadelka kuyimid Siyaasada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Xukuumiga fog ahaa oo dagaalo isdaba joog ah iyo olole ka dhan ah ku hayay sanadihii u dambeeyay, oo iyaguna ka gows qabsadey Siyaasada Xukuumada eek u aadan ololaha u dhexeeya Xisbiga Kulmiye Murashaxiinta jagada Madaxweyne iyo Kuxigeen.

Xildhibaanada ay mudada badan soo wada joogeen Golaha Wakiilada Somaliland ee uu hogaaminayay Gudoomiye Ciro ee wakhti xaadirkan meesha adag ka jooga Xukuumadii ay ku lamaanaayeen waxa kamid ah Labada Gudoomiye Kuxigeen ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Dr Cali  Yuusuf,Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo),oo katirsan hogaanka Xisbiga Kulmiye kana mid ahaa xubnaha kaadiriyiinta fog ee Xisbigaasi,Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, oo katirsan hogaanka Kulmiye,Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo had iyo jeer hormuud ka ahaan jirey mooshinada ka dhanka ahaa Gudoomiye Ciro,Xildhibaan Axmed Nuur Cabdi(Kijaandhe),oo isaguna kamid ah Murashaxiinta sida weyn u saluugsan Xukuumada iyo mowqifkeeda shirka Golaha Dhexe,Xildhibaan  Maxamed Cismaan Xasan(Bulqaas),Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud,Xildhibaan Maxamuud Guutaale Dhunkaal(Qoor),Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama),Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nacnac),oo kamid ah Xubnaha kaadiriyiinta ugu waaweyn ee Xukuumada iyo Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo Xildhibaano kale oo badan oo iyaguna daaha dambe u taagan diidmada Xukuumada ee ka dhanka ah nidaamka loo maamulay Shirka Golaha Dhexe,waxaanay dad badani saadaalinayaan deyrtan in ay suurtagal tahey hadii Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu ku meel maro sida Xukuumada iyo Garabka taageersan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi murashaxnimadiisa jagada Madaxweyne oo garabka isbaheysiga ee diidani dibada ka joogaan sida muuqata in Xubno badan oo kaadiriyiin ahi u saama jiidanayaan badheedhaha kulaalka Xisbiyada Mucaaridka ah khusuusana Xisbiga Wadani oo dhinaca mucaaridka ugu fadala cadcad maadaama sida dad badani jawigan isbadelka Siyaasaadeed ka faaalinayaan hadii Gudoomiye Ciro hogaamiyaha Golaha iyo Xisbiga Wadani kulanadiisii gaarka ahaa uga faa,ideysto fursadan dildilaaca Xisbi Xaakimka Kulmiye kuna xero gashado Xildhibaanada iyo Siyaasiyiin kaleba.

Gunaanadkii waxa isha lagu hayaa Aragtida Gudoomiye Ciro ka bixiyo soo gurya noqoshadiisa iscasilaadii Wasiirada Xukuumada iyo habdhaca Xukuumadu u wado Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku kala qeybsamey,oo uu si kooban uga hadley.

 

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here