Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Warbixiyay Kulan Ay La Yeesheen Maayarka Burco

0
809

(QYN HARGEYSA)Gudida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ayaa maanta kulan ay  la qaateen maayirka magaalada Burco Maxamed Muraad waxa ay kaga xog waraysteen baahiyaha ay u baahan yihiin ka dawlad hoose ahaan iyo ka xag waranka miisaniyada dawlada hoose ee Burco.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay guddoomoyaha ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama waxaana uu ka war bixiyay muhiimada kulankani iyo waxa lagu garfeeyay waxaanu yidhi “waxa maanta magaalada Hargeysa noogu yimi duqa magaalada Burco oo hawlo shaqo aanu wada lahayn”

Waxa sidoo kale uu ka hadlay gudoomiyahu waxa ay ka wada hadleen iyo waxa ay isla af garteen waxana ka mid hadaladiisi “waxaanu isla garanay aniga iyo  maayirku in uu dalku yahay dal isku xidhan oo baahiayaha iyo xeerarka uu ka cabanayo goloha laga ansixin karaa uu yahay golahan dhibaatooyina ka haysta ama cabasho uu dawlada dhexe kaga cabanayo in golahani wax kala qaban karo.

 

 

 

 

Waxaa kale wax laga waydiiyay  isku dayga dil Wariye Axmed Sakaro iyo musuqmaasuq hadheeyay isaga iyo dawlada hoose Burco .

Kulankan dheex maray Mayarka Burco iyo Guddida Xildhibaanada oo tiraba laba jeer uu xaafiska u baneeyay ayaa maanta waxaa wasirka arimaha Gudaha khasab ku kenay Mayar Murad oo maantana baxsad ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here