Loic Remy Oo Jeclaan Lahaa Inuu Ku Biiro Kooxda Arsenal Ee Aadka Uugu Baahan Goolal Dhaliyaha.
Loic Remy Oo Jeclaan Lahaa Inuu Ku Biiro Arsenal.

Weerar yahanka amaahda kula jooga kooxda Newcastle United Loic Remy ayaa lasheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro Arsenal halkii uu ku biiri lahaa Tottenham oo xiisaynaysa.

Sunday People ayaa sheegaysa in 27 jir kaan xulka France uu xiisaynayo inuu ku biiro Arsenal halkii uu u dhaqaaqi lahaa kooxda Tottenham isagoona jeclaan lahaa in kooxda ka dhisan waqooyiga London ay u soo dirto dalab dhamaadka xili ciyaareed kan.

Loic Remy ayaa si wayn uga war haya in kooxda macalin Wenger ay u baahantahay weeraryahan awooda inuu xili kasta gool u dhaliyo kooxda wuxuuna aaminsanyahay inuu awoodo inuu hogaamiyo weerarka Arsenal hadii ay lasoo saxiixdaan.Kooxda Tottenham ayaa diyaar u ah inay 15 milyan oo Ginni ku dalbato Loic Remy suuqa kala iibsiga ee xaggaaga si uu san ugu biirin Arsenal oo ay xafiiltamaan laakiin Remy ayaan doonayn inuu u dhaqaaqo Tottenham hadii uu dalab ka helo Arsenal.

Wargayska ayaa intaa ku daray in Loic Remy uu doonayo inuu ka ciyaaro Champions League taas oo u sii dhawaynaysa kooxda Arsenal.

QoryaaleNews.Com

Xafiiska wararka Ciyaaraha

Contact@QoryaaleNews.Org

featured